Muqdisho Oo Saaka Wadooyinkeedu Xidhanyihiin

0
Muqdisho Oo Saaka Wadooyinkeedu Xidhanyihiin

Muqdisho Oo Saaka Wadooyinkeedu Xidhanyihiin

Muqdisho(Sayruuq)- Waxa Saakay xidhan qaar ka mid ah Waddooyinka Magaalada Muqdisho,iyadoona Gadiidka ay saaran yihiin Dadka Shacabka aan loo ogaleyn in ay iskaga kala goshaan Isgooysyada qaar ee Magaalada Muqdisho.

Wadooyinka xidhan waxa ka mid ah Isgooyska Banaadir,Zoobe,Taleex iyo KM4,waxaana Wadooyinkaas lagu arkaya Ciidamo fara badan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa inoo sheegay in aysan garaneynin Sababta ay u xidheen Wadooyinka,laakin ay Taliyeyaashooda ay ku amreen in ay Waddooyinka Xidhaan.

Dhanka kale wararka qaar ay heleyso Shabakadda Sayruuq,ayaa sheegaya in Magaalada Muqdisho,ay ku soo Wajahan yihiin Wefdi ka socda Midowga Afrika ka soo kicitamaaya Addis Ababa.

Sayruuqnews
Muqdisho-Somalia
contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.