Mujaahidiinta Madasha Oo Sheegay In Madaxweynaha La Doortay Tallooyin Ka Qaatay

0

Hargeysa(Sayruuq) Siyaasiyiinta madasha wadatashiga Somaliland ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi. Mujaahidiintan miisaanka culus ku leh saaxadda siyaasadda Somaliland ayaa sheegay in ay talo ula tageen madaxweynaha waxaanay u jeediyeen ammaan ah in uu ka wanaagsanaan doono Kulmiyihii hore ee dalka hoggaaminayay.

Prof Cabdisalaan Yaasiin oo kulanka kadib saxaafadda la hadlay waxa uu sheegay in dhawr qodob oo arrimaha loo jeediyay ka mid ah uu qaatay Madaxweynaha la doortay. Mujaahid Cabdisalaan oo ka mid ah aasaaseyaashii SNM waxa uu tiraba la kulmay laba jeer isaga oo mar horena ka mid ahaa hoggaanka Jaamacaddaha oo kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha.

Ujeedada koobaad ee aanu ugu tagnay waxay ahayd in aanu anaga oo Mujaahidiin ah hambalyayno. Waa mujaahidkii labaad ee Madaxweyne noqday, mujaahidkii hore 7 sanno ayuu hoggaanka hayay, marka waa mar kale oo raggii dalkan u soo halgamay hoggaanka qabteen. Waxa kale oo aanu ku hambalyaynay hoggaankan cusub sida ay ilaa hadda hawshiisu u socoto oo ah si aad iyo aad uga duwan hoggaannadii hore ee dalka soo maray xattaa hoggaankan xilka wareejinaya ee Axmed Maxamed Siilaanyo,” Sidaas ayuu yidhi Prof Cabdisalaan.

Waxa uu intaasi raaciyay in madaxweynaha la doortay qaatay qaar ka mid ah talooyinkii la siiyay “Waxa uu hoggaannadii hore kaga duwan yahay wuxuu qaatay talooyinkii la siiyay sida: dawlad tiro yar oo tayo badan wuu qaatay, waxa kale oo muuqata in uu ku dhaqmay in talada isaga loo daayo mar haddii dadkii doorteen taasina waa arrin weyn. Waynu ka dareemayna in dabayl dabaylihii hore ka duwan oo dabayl caafimaad ahi dalkii soo martay,” Sidaas ayuu yidhi Prof Cabdisalaan Yaasiin.

Prof Cabdisalaan Yaasiin ayaa la waydiiyay in Madashu waydiisatay in qaarkood uu xil u magacaabo Madaxweynaha la doortay waxaanu ku jawaabay “Illaa hadda madaxweynaha cusub cid og cidda uu wax u magacaabaya ma jirto waana waxyaabaha runtii dadku aad ugu tixgelinayaan,” Sidaas ayuu yidhi Prof-ka oo intaasi raaciyay in dadkii xisbigiisa ahaa ee la soo ololeeyay, madasha wadatashiga, odayaal dhaqameedka iyo cid walba oo doonaysay in cid loo magacaaba qaateen go’aanka ah in aanay cidna ula iman hebelo ay rabto in loo magacaabo.

Prof-ka oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in aanay xil waydiisan madaxweynaha la doortay “Imika waxa muuqatay in aanay cidna garanayn cidda uu magacaabayo ilaa uu isagu ku dhawaaqo. Nin baa maahmaahay oo waxa uu yidhi ‘Waxay noqotay in uu dawladdii iyo wixiiba Kabadh ku xidhay oo kabadhkaas wuxuunba la furaya maalinta uu wax ku dhawaaqayo’ marka qoladayadan odayaasha madashu isagana dareenka kamaanu arag anaguna maanan doonan,” Sidaas ayuu yidhi Prof-ku

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.