Mujaahid Cali Guray Oo Ka Hadlay Warkii Laga Been Abuuray Guddoomiye Ramaax, Fariin Waano Ahna U Diray Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

0

Guddoomiyaha saddexaad ee Xisbiga UCID, Mud. Cali Yuusuf Axmed (Cali Guray) ayaa ka hadlay war laga been abuuray Badhasaabka Gobolka Awdal, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax)

Sidoo kale wuxuu fariin waano ah u diray Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo warkaasi ka hadlay. Muj: Cali Guray oo qoraal kooban oo uu arrintaas kaga hadlaayo ku baahiyay bartu ku leeyahay Facebook-ga, ayaa wuxuu yidhi.

“HUBSIIMO HAL BAA LA SIISTAA

Siciidow (Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble)  Salacalle  “Hubsiimo Hal Baa la siistaaye” codkii (Warka Badhasaab Ramaax)  i maqashii aan kula mawqif noqdee. Haddii kale dadka xumaha iyo beenta u guntaday ee macaash ka doonayaa dadkii ku dhintay Gaashaamo ha la mawqif noqon oo xumaan doon ha noqon.

Tani way is dhex qaadaysaa waana kala wada dano oo waa ujeedo-badan. Si kastaba xaalku ha ahaado e haddii ay run tahay oo cadayn lagu qanci karo la keeno intaad tidhi iyo kunkeedba wuu u qalmaa in la yidhaahdo Ramaax. Balse warka faasuqu idiin la yimaado iska hubiya ayuu Illaahay ina faray si aydaan isugu qoomamayn waxaad fasheen”.

Cali Guray.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.