Muj: Cali Guray Oo Si Xogogaal Nimo Ah U Sharxay Hantida Murashax Jamaal Cali Xuseen Kaga Baxday Xisbiga UCID

0

Hargaysa(Sayruuq)- Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Muj: Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa si xogogaal nimo ah u sharxay hantida dhaqaale ee Murashax Jamaal Cali Xuseen kaga baxday Xisbiga UCID, hadalkan oo u muuqday inuu dabo joogo qadar kooban oo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe sheegay inuu Jamaal ku bixiyay Xisbiga, wuxuu Muj: Cali Guray ku baahiyay qoraal u dhigna sidan.

 

“DHAN WALBA HA LAGU QADO EH DHEGLAY KU SHUB”
Anigu sida Ina Cali Waraabe beenaale ma ihi, khayinna ma ahi, bilaa wacadna ma ahi.
Jamaal 300,000,$ oo udub ku xidhay musharxnimadiisa markii uu dhigay waatii la isku rogay lacagta ka baxday markaa ilaa 100,000$ ayaan ku qiyaasayaa intii aanay Faysal heshiiska wada gelin eenu UCID noqon. 200’000$ ee kale wuxu geliyay UCID waanay ka go’day kaambaynkii oon la gaadhin hadana isaga ayuun baa wixii ku baxay ololaha iyo baahiyihii kaleoo dhan daboolay Faysal bal cid gambo ku darsatay ha sheego. Musharixiintii UCID ka soo bilaw bari
DHAHAR
BADHAN
CEERIGAABO
CEELAFWAYNE
GARADAG
LAASCANOOD
XUDUN
CAYNABO
BURCO
ODWAYNE
Iintaas oo degmo bal isu gee musharixiintii UCID oo midkiiba lagu diiwaangeliyay 2 milyan Sl Sh yaa la bixiyay Jamaal Cali. Saaxil iyo Maroodi Jeexna Jamaal buu ahaa kii ilaa kharshkii ololaha iyo kaabista degmiiyinka oo dhan iyo gacansiinta musharixiinta oo qaarkood xataa uu ka caawiyay soo raridda taageerayaashooda xadka ka shisheeyay aan waxba kala hadhin eh Faysal bal wax uu ku darsaday ha sheego. Jamaal waxa kale uu UCID u iibiyay laba guri oo ka mid ahaa hantidii uu ku lahaa dalka maraykanka ee xaguu geeyay ma nin u baahnaa inu hantidiisa iibiyo ayuu ahaa? Muraad kale umuu iibin ee UCID ayuu u iibiyay. Sanadkii ugu dambeeyay shaqadii American City Bank dakhligii laga cashuuray een aniga laftaydu waraaqahooda arkay waxay dhamayd 680,000$ waxa dheeraa 200000$ oo uu ku qaatay gunno guri iyo dugsiga caruurtiisa marka la isku daro 880 000$ ayuu sanadkii shaqeeyay hadana intu mar keliya dhulka dhigay ayuu u soo biyaystay siyaasad intii uu ku jirayna wax uu ku bixiyo mooyaane wax ka soo galay ma jiraan. Halka Ina Cali Waraabe uu u yahay xisbiga UCID moqorofad uu dawarsado oo cid walba ku baadho ilaa Madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh bal cid kaleba daayoo. Marka ay sidaa tahay anigu waxan hubaa hadii UCID Jamaal iyo Faysal uu mid soo saaray uu sheegan karo inu yahay Jamaal ee Faysal aanu irbad ku darsan hadana uu yahay ka maanta UCID kala dagaalamaya inu tartamo uu guusha beegsado. Laakiin aan eegno hadii sida Faysal iyo inta adeegsanaysa ay tooda noqoto karis xun iyadaa ku wax la’ waxay noqon DHAN WALBA HA LAGU QADO EH DHEGLAY KU SHUB waana la isla wada degi ee hadhaw yaanay la xumaan kuwa Faysal aaminay ee u haysta inu wax u tari karo oo inta uu Jamaal Cali Xuseen musharaxnimada ka qaado uu isagu musharax ka noqodo UCID. Taasi waa riyo xataa hadii ay dhacdo way kaga xumaan kuwa u haysta inay ka faaiidi doonaan

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.