Muhammad Ali Clay: 30 odhaahood oo caan ah/Mohammed Omar Farur (Mo Qaro)

0

Dhimashada Muhammad Ali Clay. waxay soo gaba gabaysay nolosha mid ka mid ah feedhyahanadii ugu caansanaa ee dunida soo mara, waxa ay ahayd da’diisu 74 sano.

Waxa uu ku guulaystay ciyaaro iyo abaal marino aad u badan laga bilaabo 12 jirkiisii ilaa uu ka fadhiistay feedh yahan nimada 1981.

kalaay

25 sano ee uu feedh yahanka ahaa waxa uu ku guulaystay 56 ciyaarood, waxa laga badiyay 5 ciyaarood.

Sidoo kale waxa uu ahaa aftahan iyo aqoonyahan, dadka ku baraarujiya nolosha iyo guusha, waxa aan halkan ku soo koobaynaa odhaahyo qaali ah oo Muhammad yidhi (Allah ha u naxariisto):

  • U duul sida balanbaalis, u qaniin sida shinni, gacmahaagu waxba ma dili karaan, hadaan indhahaagu waxba arkayn.
  • Haddii maskaxdaydu sawiranayso arrin, wadnahayguna rumaysan yahay, waan xaqiijin karaa arrinkaas.
  • Ma ihi ka ugu wayn, waxa aan ahay kuwa waawayn ka ugu wayn, anigu kama badiyo oo kaliya, se waxa aan doorta xilliga aan ka badinayo.
  • Way adagtahay inaad is dhul dhigto, marka aad sidayda oo kale wayni leedahay.
  • Hadaf kaygu waa in maraykan noqdo dal wayn, sidaa aawadeed Ayaan uga badiya Russiyaanka iyo Polandiiska, Greek guna u yidhaahdaan adigaa Cassius ka fiican.
  • Tani waa shaqo, doogu wuu baxaa, shimbiruhu way duulaan, mawjaduna badda way ka dhacdaa, aniguna dadka waan dilaa.
  • Maalin kasta u noolow sidii uu yahay maalintii kuugu dambaysay, waayo maalin ayuunbay run noqon.
  • Qofka adduunka 50 jirkiisa siduu aduunka u arkayay 20 jirkiisii, wax aka lumay 30 sano oo noloshiisa ah.
  • Waxa aan la feedhtamay yaxaas, waxa aan la feedhtamay nibiri, waxa aan xidh xidhay hilaac, onkod kana jeel Ayaan ku tuuray, wiigii hore waxa aan dilay dhagax, dhoobo na dhakhtarka Ayaan dhigay, aad baan u xumahay sida aan uga dhigay dawada mid xanuunsanaysa.
  • Aad baan u dheereeya, waxa aan damiyay laydhkii qolka, furaashkana waxa aan jiifay inta aanu damin.
  • Feedh feedh ku waa sidii niman cadaan ah oo daawanaya laba madaw ah oo is dilaya.
  • Cassius Clay waa magic addoon, aniguna ma dooran mana rabin in la ii bixiyo, aniga magacaygu waa Muhammad Ali, magac xor ah, waxa ku qasab ah in ay cid kastaa kaas iigu yeedho, haddii ay ila hadlayaan iyo haddii ay iga hadlayaan.
  • Gorilla Ayaan Manila kula dagaalamayaa, waa arrin dhimasho gaadhi kara.
  • Ilbidhiqsi kasta oo tababar ah waan nacay, bal se waxa aan odhan jiray “ha is dhiibin” immika daal mustaqbalkana noolow adiga oo guulaystay.
  • Kaliya ninka ogaada waxa guul daradu tahay, ayaa naftiisa dadaal dheeraad ah galin kara.
  • Kuma raaxaysto dagaalka, bal se waxaan ku raaxaystaa guusha ka dambaysa.
  • Aniga ayaa dunida oo dhan ugu wayn, waliba nabar kuma yaalo wajigayga.
  • Suurto gal maaha waa hal kalmad oo wayn oo ay yidhaahdaan dadka yar yari, kuwaaso jecel inay ku noolaadaan dunida la siiyay, mana karayaan in ay muujiyaan awoodaha la siiyay si ay aduunkan u badalaan, suurto gal nimadu maaha run ee waa aragti.
  • Ha tirin maalmaha, iyaga ayaa is tirinaya.
  • Ma hadal badnaanaysid haddii aad xaqiijiso waxa aad sheegayso.
  • Halyaygu kuma samayso xarumaha tababarada, waxa saameeya waxa uur ku jirtoodu doonayso, ku riyoonayso ee ay arkayaan. Waa in ay yeeshaan sabir iyo adkaysi ilaa daqiiqada u dambaysa, waa in ay noqdaan qaar dheeraynaya, doonitaan iyo xirfad na leh.
  • Guriga waxa aan ahay nin fiican, ma jecli in adduunku ogaado.
  • Haddii aad ku riyooto inaad iga badiso, waa inaad riyadaada ka toostaa.
  • Qaabkayga kaftanku waa run sheegida.
  • Aniga ayaa ah America, aniga ayaa ah ka aanay ictiraafayn, bal se ila qabso. Madaw, isku kalsoon, magacaygu magacaaga maaha, diintayduna taada maaha, hadaf kaygu aniga ayuu ii gaar yahay.
  • Inaan ku guulaysto ciyaar ama la iga badiyo, meel kale ayaa laga soo qaddaraa, bal se qolka tababarka waxa jira waddo dheer oo aan soo maro ka hor inta aanan guulaysan.
  • Qofka aan haysan geesi nimada dhabta ah, meel ma gaadho.
  • Waa iimaan yaraan iyo kalsooni darro ta ka dhigta dadka inay ka baqaan nolosha iyo waayaheeda, aniguna waan isku kalsoonahay.

 

Turjumaad: www.dailymail.co.uk

Mohammed Omar Farur (Mo Qaro)

https://www.facebook.com/engqaro

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.