Muhaajiriin Soomaali Ku Jiraan Oo Lagu Qabtay Turkiga

0
Muhaajiriin Soomaali Ku Jiraan Oo Lagu Qabtay Turkiga

Muhaajiriin Soomaali Ku Jiraan Oo Lagu Qabtay Turkiga

Ankara(Sayruuq)-Hay’addaha ammaanka ee dalka Turkiga waxay sheegeen inay Hawlgal ku soo qabteen iugu yaraan 550 Muhaajiriin ku sugnaa Gobalka Edrine ee Waqooyi galbeed ee dalkaasi.

Sida laga soo xigtay Ilo dhanka ammaanka ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka Xeebaha iyo kuwa ilaaladda Xuduudaha waxay qaadeen Hawlgal ay ka fuliyeen Degmooyinka Ipsala, Merik, Kesan Iyo Uzunkobru oo ka tirsan Gobalka Edrine.

Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolui ayaa sheegtay in Muhaajiriinta lagu soo xidhay Hawlgalladaasi ayaa la sheegay inay ka soo kala jeedaan dalalka Somalia, Morooko, Syria, Iraq, Iran, Pakistan, Afganistan iyo Bangaladesh.

Muhaajiriintaasi la xidhay ayaa la sheegay in la qabtay, xilli ay doonayeen inay tahriib ahaan ugu sii gudbaan dalalka Europe.

Ilaa 268,000 oo Tahriibayaal ah ayaa lagu qabtay Turkiga Tan iyo sannadkii 2018-kii, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Turkiga.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.