MUGDIGA KA SOO IFBAXAY WASAARADDA HORU MARINTA MAALIYADDA SOMALILAN

0

MUGDIGA KA SOO IFBAXAY WASAARADDA HORU MARINTA MAALIYADDA SOMALILAN.
QalinkiiSuxufi Sinyoore

Somaliland waa qaran la wada leeyahay oo lagu abqaalay dhiiga geesiyaal maanta inaga hooseeya , geesiyaashaaasi waxay udhinteen in la helo wadan xor ah oo ay u simanyihiin muwaadiniintiisu dhib iyo dheefba , waxay ka dagaalameen dulmi noocyo kala duwan ahaa , hadaba maanta ma gaadhnay caddaalad ahaan halkii aynu u halgamaynay?
Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay ka mid tahay wasaaradaha laf-dhabarta u ah qaranka , laakiin hada waxay isu bedeshey goob lagaga aar goosto muwaadiniinta aan ka soo jeedin qoyska madaxweyne Biixi.
Wasaaraddu waxay ka kooban tahay 14 waaxood 7 ka mid ah waxaa haysta qoyska madaxweyne biixi , todobada soo hadhayna intoodada badan waxaa ku xigeena ka ah qoyska madaxweyne biixi .
Waxaan iyaduna ka hadal lahayn madax qaybeedada wasaaradda oo aynu odhan karno bulshada kale ee reer somaliland waa kow iyo laba , Ama waa faro ku tiris

Habar awal
Waaxda                            Beesha              magaca
W/Maamulka iyo lacagta Sacad muuse Xuseen xasan cabdi

W/ Cashuuraha beriga Sacad muuse Cabdisalaan busi

W/ IT/IFMIS Sacad muuse Amiin abshir timo cad

W/ Iibka/procurement Sacad muuse Bahja yuusuf

W/ PFM Sacad muuse Xasan dheere

W/ Shuruucda Ciise muuse Hibaaq guled

W/ Adeega maaliyadda & ganacsiga gaarka Ciise muuse Mukhtar cabdi cilmi

Ku xigeenka W/ miisaaniyadda Sacad muuse Cabdicasiis dheeg

Ku xigeenka W/ kastamada Sacad muuse Axmed maxamed oomaar

Ku xigeenka W/ shuruucda Sacad muuse Cabdilahi c/raxman qaalib

Ku xigeenka xisaabiya guud Ciise muuse Keyse dheere

Ku xigeenka waaxda internal auditka Sacad muuse Cabdirisaaq

Gudoomiya mashruuca eafs Sacad muuse Buureed

Ku xigeenka adeega maaliyadda iyo ganacsiga gaarka ah Sacad muuse Ilyaas xasan barkhadle

Garxajis
Waaxda Beesha Magaca
W/ kastamada Habar yoonis Maxamed nuur maxamed
W/ Waaxda dhaqaalaha iyo tiro koobka Ciida gale Cabdirisaaq cali maxamed
Samaroon
Waaxda Beesha Magaca
w/ xisaabaadka samaroon Axmed daauud
W/shaqaalaha Samaroon Maxamed axmed weyrax

Habar jeclo
Waaxda Beesha magaca
W/miisaaniyadda Habarjeclo Yaasiin ducale barre
Arab
Waaxda Beesha Magaca
W/baadhista gudaha Arab Maxamed dhego
ku xigeenka waaxda tira koobka Arab Xamse abdiqaadir
Ayuub
Waaxda Beesha Magaca
W/ xidhiidhka dadweynaha Ayuub Axmed muuse maxamed
Dhacdadii layaabka badnayd ee uu sameeyey Wasiir sacad cali shire 07/09/19 ee uu Reer kiisa ugu magacaabey Afarta Agaasime waaxeed , oo uu ka mid yahay inanka uu Adeerka u yahay ee Magiciisa La yidhaahdo mukhtaar cabdi cilmi oo lagu Naanayso (Xoogsade ) isla markaasna uu Xilkii kaga qaaday agaasimihii maamulka iyo lacagta waxay noqotay mid kasii yaabisay bulsho waynta Reer Somaliland .
Waxay kale oo bulshadu la Anfariirtay Agaasimihii hore ee maamulka iyo lacagta oo sidatay shahaada heerka labaad ee jaamacadeed, waxaa lagu bedeley inan kasoo jeeda Raaska Madaxweynaha oo xitaa aan haysan shahaado jaamacadeed ,
Wasiir sacad intii aan loo sheegin inay kala hayb yihiin waxa uu gole dhexdii ka qiray inay tahay qofka ugu kartida iyo aqoonta badan Agaasime waaxeedyada Wasaaradda .
balse markii Uu Xaqiiqsaday wasiirku Sacad in aanay Beel ka soo wada jeedin
Hadaba Markii uu Wasiirku Arinkaas ogaaday isla markaana uu qaatay Taladii Reeraysnayd waxaa uu qaaday Tallaabadan .
Waxaa uu Si deg deg ah Xilkii ugu Qaaday Agaasimihii Waxaada Maamulka & Lacagta Asad Maxamed Maxamuud oo kasoo jeeda beelaha bariga .
waxaa xusid mudan inanka loo dhiibay maamulka iyo lacagta in aabihiina yahay agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaaradda beeraha , walaalkiina yahay agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaaradda dhalinyarada .
Hadana Ku darsoo Waaxda pfm ka waxaa haysta sidaan kor ku xusan nin Ay Madaxwaynaha isku beel yihiin oo haba yaratee wax Aqoon Maaliyadeed lahayn Xifaddiisuna Tahay Garyaqaan
Waxaa iyana xusid mudan in dhawrka agaasime waaxeed ee kasoo jeeda beelaha kala ay dhammaantood dhaleen qoyska madaxweyne biixi
Waxaa kale oo jirta in wasiirkii hore ee maaliyadda xilligii siilaanyo cabdicasiis samaale uu madaxweynaha kala taliyo wasaaradda maaliyadda ,iyadoo aynu ognahay inuu samaale yahay ninkii bisha keliya qoray 300 boqol oo shaqaale ah oo ay isku haybyihiin , samaale isagaa leh go aanada kama danbeysta ah ee maaliyadda .
Waxaa jira urur ay ku midaysanyihiin agaasime waaxeedada iyo ku xigeenada kasoo jeeda qoyska madaxweynaha oo intay is uruursadaan kolba ku qanciya cid waxay doonayaan
Agaasimaha guud ee maaliyadda waxaa abti u ah samaale madaxweynaha isagaa ugeeyey, isagoo kula balamay inuu wax kasta oo usoo gudbiyo sidiisa u fuliyo .
dhinca kale wax jira wiil yar oo uu madaxweyna biixi abti U yahay oo Lagu Magacaabo ( shucayb maxamud ciise ) oo temporary ah oo hadana ka mushahar badan agaasime waaxeedada wasaarada maliyadda .Sidoo kalena Mushahaar ka qaata Waaxda Loo soo Gaabiyo PFM-KA
inaga oo aan soo koobi karin dhacadooyinka dhiig baxa qaranka ku ah ee ka dhacaya ama ka socda wasaaradda maaliyadda ,wax keliya ee aynu ku tilmaami karnaa meherad reer leeyahay ,Oo arinkeedu noqday inaan Masuuliyiinta lagu Xulan Aqoon.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.