Gudoomiye Cirro Oo Iska Fogeeyay Eedaha Socail Media-aha Loo Galiyey.

0

Hargeysa(Sayruuq)-Guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa si adag uga jawaabay hadalo muddooyinkii danbe lagaga faafiyey oo ku saabsanaa in uu kulan la qaaday madaxweynaha dawlada Somaliya iyo sida oo kale in uu warqad uu nidaamka faderaalka uu ku taageeraayo u diray dawlada Finland, waxaana wararkaas ku tilmaamay ku been abuur cad ah isla mar ahaantaana mar marsiiyo loogu doonaayo sidii ay xukuumada jirta muddo kordhin ay u samaysan lahayd, isaga oo sida oo kalena carabka ku adkeeyey in dacaayadaha noocan oo kale ah ee ay yihiin kuwo aan sii raagayn isla mar ahaantaana xisbiga Waddani uu diyaar u yahay doorashooyin ku qabsooma si xor iyo xalaan ah.

 

Md.Cabdiraxamaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa hadalkan ka sheegay qoraal kooban oo ku baahiyey bogiisa uu ku leeyahay Interner-ka, waxaana uu sida oo kale tilmaamay in dacaayadaha noocan oo kale ah ay yihiin kuwo gef ku ah caqliga iyo garaadka shacbiga reer Somaliland isla mar ahaantaana la doonayo in laga dhaadhiciyo waxyaabo been abuur cad ah.

 

“Been-abuur kasta & Dacaayado loo sheego Shacabka Qiimaha leh ee Somaliland waa qaar aan Cidna wax u tarayn, siina raagayn. hadii lays leeyahay Dacaayado ayaa Shacab wax lagaga dhaadhicinayaa ama lagu soo jiidanayaa, taasi waa mid gaf ku ah Caqliga & Garaadka Shacabkeena. Shacabkeenu wuxuu usoo joogay waqtiyo doorashooyin oo badan iyo Xisbiyo aan Kalsooni badan ku qabin Codka Shacabka.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Xisbiga WADDANI wuxuu markasta ixtiraamayaa dhamaan Axsaabta Qaran & Masuuliyiiinta Qaran dhamaantood, Waxaanuna diyaar u nahay Doorasho Xor oo Xalaal ah oo aan Xagxagasho lahayn.”.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.