“Mudane Madaxweyne waxa kula gudboon inaanad aqbalin tallaabooyinka noocan iyadoo..”Barkhad Batuun

0

Mudane, Madaxweyene. Guriga aad ku jirto waxaad degan tahay 27 Sanno oo Somaliland jirtay, waxaa intaas isku kaa dul badelay 4 xukumaddood, waxaad tahay odey waayaha iyo duruufaha dalka yaal xogogaal u ah, waxaad xaq iyo xuquuq distooriya u laheyd adiga iyo jaarkaaguba ineydun cashuurti la idinka qaadayey ku heshaan waddooyin wacan oo aad martaan. In maanta Magacaaga Madaxweynenimo ku hesho waddo 27 Sanno oo aad Muwaadin aheydna ku waydo waddo waa mid ka hor imaneysa Hal~kudhiggii aad Ololaha ku gashay ee ahaa: ” Ballaanteenu waa sarreynta Sharciga” micnaha sareynta sharcigu waa u sinnaanshaha Madaxda iyo Muwaadinta maaliyadda iyo maamulka dalka, ilaha adeega aasaasiga u ah noloshana waxaa mudnaanteeda leh muwaadiniinta. Mudane Madaxweyne waxa kula gudboon inaanad aqbalin tallaabooyinka noocan iyadoo deegaanadi dalka oo dhan doorashadi dhacday dadku kugu doorteen isbedel iyo wax qabad si weyna lagu sugayo, haddii aad hargeysa gudaheeda oo aad degan tahayna eegto xaafadaha, cakaara, maxamed mooge, qandahaar, daami iyo waliba state house oo agtaada ahi aaney laheyn waddooyin noocan ah. Mudane, Madaxweyne waxaad tahay Astaanta qaranka waa inaad u dhug yeelata tallaabo kasta oo aad qaadeyso kuwa ku talliyey iney waddadan dhigaan gurigaaga hortiisu waa kuwo kaa hor keenaya shacabka ku doortay oo tusaya inaad tahay hoggaamiye danta guud ka dahsoon tahay oo ta gaarka ahi ku weyn tahay!

Barkhad Jaamac Batuun

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.