“Mudane Madaxwayne Beesha Arab Hiil Iyo Hooba Way Kula Garab Istaagtay, Maantana Iyadaa Xaq U Leh Madaxtinimada Ee Ku Taageer….”

0

“Shacabka Somaliland Waxaan Leeyahay Hanagala Masuugina Taageeradiina Waayo Markan Cid Kasta Annaga Ayaa Uga Xaq Leh (Madaxwayne-nimada)..” Suldaan Cabdillaahi Axmed Laydh

Hargeysa (Sayruuq)-Suldaan Cabdillaahi Axmed Cilmi (Laydh) oo ka tirsan Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa Madaxwaynaha Somaliland io shacabkaba ka codsaday inay taageeraan Siyaasiga  beesha Arab uga dhex tartamaya jagada Musharraxa Madaxwayne ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Kijaandhe.

Suldaanka oo ay isku beel ka soo jeedaan Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe ayaa sheegay in la gaadhay wakhtigii beesha Arab loo dooran lahaa Madaxwayne, waxaana uu carrabka ku adkeeyey inay iyagu maanta cid kasta uga xaq leeyihiin. Sidaasna waxa uu Suldaanku ku sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray oo u dhignaa sidan:

‘Somaliland, kolba heer ayay joogtay oo marxalado badan ayay soo martay, maalinba masuul loo igmaday oo loo doortay ayaa taladeeda sare ee hogaamineed soo waday, laga soo bilaabo Madaxweynayaashii soo maray Somalililand, illaa Madaxweynaha Maanta talada haya, mid weliba deegaan ayuu ka soo jeeday, mid walibana heer fiican ayuu soo gaadhsiiyay, taariikhduna way qori doontaa.

Maanta aniga oo xushmad u haya dhammaan beelaha bulsho weynta Somaliland, galbeed illaa bari, waxa aan halkan si gaar ah ugu xusayaa fariin toos ah oo aan halkan uga gudbinayo Madaxweynaha Somaliland, Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), taas oo ku saabsan tartanta musharaxnimada xisbul xaakimka KULMIYE, dhexdiisa, oo ku beegan shirka golaha dhexe ee xisbiga ee dhawaan la muddeeyay, sidaa daradeed, Mudane Madaxweyne, beelweynta Arab, oo hore hiil iyo hooba kuugu soo hagar baxday, waxay maanta kaaga fadhidaa in aad cadaalada eegto oo aad si buuxda u garab istaagto musharaxa beesha Arab, ee u taagan musharaxnimada Madaxweynenimo ee xisbiga dhexdiisa, waxaanay Madaxweyne beeshu ay ku leedahay si taariikhdu kuu xusto oo halgankaagu u dhamaystirmo in aad cadaalada eegto. doorkana waxa xaq u leh oo cid kasta kaga xaq leh in aad barbar istaagto oo aad taageerto musharaxa Madaxweynenimo ee beesha ARAB Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), oo ka mid ahaa Aasaasayaashii Xisbiga KULMIYE, iyada oo beeshu doorkan u diyaar ah xaqa ay u leedahay in ay ka dhabayso hankeeda siyaasadeed, ee ay ugu jirto hogaaminta talada dalka.

Sidoo kale beelaha Somaliland, waxaan leeyahay hanagala masuugina in aad na siisaan taageeradeena, maxaa yeelay hadii ay cidi ku xaq leedahay beeshan ayaa ku xaq leh.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.