Mudaharaad Ka Dhacay Gaashaamo & Sababta

0
Mudaharaad Ka Dhacay Gaashaamo & Sababta

Mudaharaad Ka Dhacay Gaashaamo & Sababta

Gaashaamo(Sayruuq) Ciidanka Liyuu Booliska maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa magaalada Xaaji Saalax ku jidh dilay laba masuul oo ka tirsan maamulka Degmada Gaashaamo, kuwaas oo ay dhaawac-yo kala duwan u geysteen, isla markaana loo qaaday dhaawacooda dhanka magaalada Jig-jiga ee caasimada Soomaalida Itoobiya .

Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Xaaji Saalax ayaa Wargeyska Waaberi u xaqiijiyey dhac-dadaasi ,waxaanay sheegeen in falkaasi uu dhaawac ka soo gaadhay guddoomiye ku xigeenka degmadda Gaashaamo Cabdillaahi Raygal iyo madaxii xafiiska ka hortaga iyo u diyaargarowga musiibooyinka ee Gaashaamo Muuse Xaamud, kuwaas oo u yimid xaaji Saalax hawlo shaqo
Ethiopia Oo Markii Ugu Horaysay Ka hadashay Xasuuqii Tuulada Jaamac Dubad.
Dhan kale wararka aanu ka helayno Xaaji Saalax ,ayaa sheegay in dhaawac guddoomiye Xigeenka Gaashaamo Cabdillaahi Raygal loo qaaday dhanka magaalada Jigjiga, kaasi oo dhaawiciisa lagu dabiibayo halkaasi.
Ma jiro wax war ah oo amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay Dowladda Soomaalida Itoobiya illaa hadda lamana garanayo sababta dhalisay in ciidanku ay jidh dilaan labadan masuul
Xog Culus:Xasuuqii Jaamacdubad sidee buu u dhacay

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.