Mucaaridku Ha Kala Daayo Siilaanyo Waa Madaxweyne Wanaagsan iyo Xukuumadiisaa Xun

0

Hargeysa(Sayruuq)-Doodii todobaadkii dhaweyd dhex martay Cali Guray, Duur iyo Ind ho-Indho iyo Wasiir Maxamuud Xaashi ee laga sii daayey Television-ka Star ayaa dadkii daawanayey in badan oo ka mid ah waxa layaab ku noqotay erayo ay Cali Guray iyo Duur oo labadoodu matalaya mucaaridka ay iska daba mareen kuwaas oo ay ku sheegeen in Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo yahay Madaxweyne wanaagsan balse ay xukuumadiisa iyo inta ku xeeran xun yihiin.

Daawadayaashaasi waxa isku qaban waayey mucaaradkan amaanta u kiilaya Mr Siilaanyo ee hadana doonaya inay iyagu bedelaan oo waliba shacbiguna sidaas ku taageero marka doorashada la gaadho.

Waxay ahayd in labada xubnood ee mucaaridka matalayey ay si fiican uga faa’iidaystaan fursadihii uga banaanaaday doodaasi oo aanay gafin mawduucyada xasaasiga ah ee taagan ee bulshadu sida weyn u hadal hayso sida talada dalka cidda dhab ahaan gacanta ku haysa iyo sababta keentay in Madaxweyne Siilaanyo si buuxda u gudan kari waayo xilkii ay ummadu u dooratay.

Qodobada kale ee Mucaaradka seegay inay xukuumada ku karbaashaan waxa ka mid ahaa arinta musuqmaasuqa hadheeyey waxqabadkii hay’adihii xukuumada, dagaalka iyo cabudhinta ay xukuumadu ku baabiisay saxaafadii xorta ahayd ee dalka iyo saamaynta xun ee siyaasadaha dalka gudihiisa lagaga dhaqmaa ay ku yeesheen sumcadii Somaliland ee dibada iyo helitaankii aqoonsiga, iyo waliba habdhaqanka ciidamada RRU-da ee xidhiidhka Somaliland iyo UK la cakirmay.

Bal wax kaleba ha dhinac maraane, may ahayn inay ka gabadaan inay runta ka sheegaan cida dhabta ah ee awooda dalka (power) gacanta ku haysa.

Laakiin Duur iyo Cali waxay u hadleen si xaal mastuurnimo iyo habrasho ku jirto. Oo midna xiligii Qaaxo ayay Siilaanyo si gaar ah isugu dhawaayeen (Cali Guray), ka kalena wuxuu ahaa Wasiirkiisii Arrimaha Gudaha (Duur) ee uu xilka kala wareegay Cali Warancade.

Sidaas darteed malaha waa lagaga haboonaa inay Duur iyo Cali mucaaradka uga qaybgalaan doodaasi uu Star Telefishan ku mahadsanaa qabashadeeda.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.