“Mucaaridku Beesha Caalamka Cod Kama Doonayaan Ee Shacbigooda Ha Aaminaan”

0

Hargaysa (Sayruuq): Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise, oo tirsan mudaneyaasha golaha Wakiiladda ee Somaliland ayaa si adag u naqdiyay hanaanka siyaasadeed ee xisbiyadda mucaaridka ah, waxaanu ku eedeeyay in aanay wax taageero ah bulshadda ka haysan xisbiyadda mucaaridku.
.
Xildhibaan Maxamed Xuseen, oo shalay u waramayay DAWAN, waxa uu tilmaamay in awood daradoodu ay muujinayso sida ay ugu milmeen kooxda sharci darrada ah ee la baxday Madasha-wadda tashiga. “Dhibaatooyinka haysta mucaaridka ayay ka mid tahay, waxa ay odhan kari laayi’iin ama naga tagga ama nagu soo biira, kooxda la baxday madasha, anaga ayaa sharci ahe. Markaa awood daradda mucaaridka ayay muujinaysaa inay ku dhex milmaan nimankan la baxay madasha wadda tashiga, oo ma geli karaan xisbiyadda mucaaradka oo way dhalillayaan, oo waxa ay leeyihiin kuma haboona in lagallo, oo way ka khashaafayaan inay galaan, laakiin mucaaradka ay wada yihiin ayuun bay Awrka ku kac-sanayaan. Laakiin niman is-bahaystay oo madasha la baxay in iyagii bah dilaan oo wax u yeedhiyaan xisbiyadii sharciga ahaa waxaanay muujinaysaa tamar darada ka muuqat xisbiyadda mucaaradka” ayuu yidhi xildhibaan Maxamed.

Sidoo kale, xildhibaanku waxa uu xusay in aan laga hor is-taagin xisbiyadda mucaaridka shirarka dastuurku siinayo inay qabsan karaan. Waxaanu yidhi “Labadda xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID shirarkooda way qabsadaan. Hawlaha khuseeya xisbiyadoodana meeshay doonaan ayay ku qabsadaan. Cidina iskama hor taagin lama odhan ma qaban karaan shirar ay leeyihiin oo taa dastuurka iyo xeerarka ayaa siinaya laakiin talo qaran iyo shir qaran madaxweynaha uun baa qaban kara.

Xitaa baarlamaanku ka ay qaban karaan waa mid xadidan. Xisbiyadda mucaaradkuna xaq uma leh inay qabtaan shir qaran waxaan ay wadeena qardo jeex siyaasadeed uun bay ahayd iyo ku jiq sii iyo xaalad abuur ayuun bay ka tahaye iyaguba way garanayaan in aanay sharci ahan shir qaran qabashadiisu oo aanay iyagu qaban Karin.”

Waxa kale oo uu tilmaamay xildhibaanku in aanay haboonayn in guddoomiyaha golaha Wakiiladdu ku dhex milmo kooxda sharci darrada ah ee madasha la baxday. “Maadaama guddoomiyihii golaha Wakiiladda uu yahay C/raxmaan Cirro, oo hay’adii sharci dejinta uu yahay, ee ilaalin lahayd shuruucda inuu ku dhex milmo ilama haboona. Waxaana aynu ognahay in maxkamada Sare ay soo saartay in shir qaran uu xaaraan yahay, oo madaxweynuhu ku dhawaaqi karro, markaa waxa ay ku haboonayd in uu ka gaabsado wixii aan sharcigu u banaynaynin inuu iska ilaaliyo gudoodmiyaha golaha Wakiiladdu.

Markaa waa inuu sharciga ilaaliyo, oo wixii qalad ah ee uu ku samaynayo sharciga isagay ku noqon doontaa haddii goluhu talaabo ka qaadayo golaha ayay u taalaa, wax aniga ii gaar ah ma aha” ayuu yidhi xildhibaanku.

Dhinaca kale, xildhibaan Maxamed Xuseen, ayaa u soo jeediyay xisbiyadda mucaaradka inay aaminaan dastuurka dalka u yaala isla marakana beesha caalamka soo farogalin Karin shuruucda dalka. waxaanu yidhi “Somaliland beesha caalamku sharci kama, way ina taageeraan ee shuruucdeena ma farogaliyaan, meelina ugama banaana. Waxbana inagama khuseeyaan xisbiyadda mucaaradka uun bay dhibaato ku tahay in ay qaylo dhaan u diraan beesha caalamka cida dooranaysaa beesha caalamka maaha ee ay codka ka doonayaan beesha caalamka maaha cida codka ka doonayaan waa shacbiga reer Somaliland ee ha aaminaan.”

Sayruuq.com/Hargeysa

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.