Mooshinno Kululeeyay Xafiisyada Khayre Iyo Jawaari

0
Daawo: Xeeladdii Jawaari Ku Baajiyay Fadhigii Maanta
Guddoomiyaha shacabka Jawaari iyo raisal wasaaraha Somalia Khayre

Mooshinno Kululeeyay Xafiisyada Khayre Iyo Jawaari

Xaraaradda siyaasadda Soomaaliya ayaa cirka isku shareertay kadib markii mooshinno iska soo horjeeda hadheeyeen kuraasta guddoomiyaha golaha shacabka Prof Jawaar iyo ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre. Magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga dareemay xildhibaanno kala taabacsan Jawaari iyo Khayre oo ku hawlan mooshinno iska soo horjeeda.

Warar xogogaal ah oo ay heshay warbaahinta Jowhar waxay sheegayaan in aan xalay loo kala kicin saxeexa mooshin ka dhan ah ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre oo ay abaabuleen xildhibaannada la safan guddoomiye Jawaari oo shalay lagu soo qaaday mooshin xooggan oo la ogaaday in xafiiska Khayre soo abaabulay laakiin, goor dambe oo shalay ah guddida joogtada ah sheegtay in uu fashilmay sababo ku saabsan xildhibaanno ka tanaasulay oo tiradu is dhintay.

Baarlamaanka ayaa ku kala jabay arrinta ku saabsan fashilaadda Mooshinka. Guddoomiye Jawaari iyo ku xigeenka 2-aad Mahad Cawad ayaa isku dhinac ah halka guddoomiye xigeenka 1-aad Cabdiwali Muuday hoggaaminayo mudaneyaasha mooshinka ku wada Jawaari. Muuday iyo mudaneyaasha taabacsan ayaa ku doodaya in aanu jabin mooshinku ee uu sharci yahay iyaga oo ku dooday in ay guddoomiye dooran doonan haddii Jawaari sii hor taagnaado mooshinka golaha la horgaynayo.

“Mooshinku wuxuu markiisa hore ahaa mid laga soo abaabulay Madaxtooyada Villa Somalia, markii aanu aragnay qaabka uu ku yimidna waanu fashilinay,” Sidaas waxa yidhi xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mudaneyaasha mucaaradka adag ku ah xukumadda Farmaajo hoggaamiyo waxaanu sheegay in mooshinku ahaa mid si khaldan ku yimid.

Guddoomiye xigeenka kowaad ee baarlamaanka Cabdiwali Muudey ayaa sheegay in uu sharci yahay mooshinka ka dhanka ah guddoomiye Jawaari “Mooshinka laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka, waxa ii keenay Xildhibaanno, wuxuuna sharci noqday markii aan saxeexay, oo aan fiiriyay sharciyadiisa inay dhameystiran tahay, Guddiga Joogtada u yeedhistiisa anigaa is ka leh, mar haddii aanan anigu u yeedhin sharci ma aheyn in uu fadhiisto, mar hadii Guddoomiyaha mooshin laga keenay, taasna muran kamaba jiro,” Sidaas ayuu aaminsan yahay Mudane Muudey.

Qalalaasaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilawday maalin kadib markii goluhu si degdeg ah u ansixiyay qaraar dalka lagaga mamnuucayo shirkadda reer Imaaraad ee DP World. Go’aankaasi waxa ka soo horjeestay maamulka Puntland oo sheegay in aanu khusayn iyo golaha sare ee baarlamaanka oo laga yaabo in uu maanta ka hor yimaaddo go’aanka kadib markii shalay dood kulul la isku mari waayay laguna kala kacay.

Dadka siyaasadda Muqdisho odorosa ayaa aamminsan in mooshinnadan ay ku jiraan faro siyaasadeed oo ka baxsan xafiisyada laga abaabulay ee isugu jawaabaya xil ka xayuubinta. Xukumaddihii hore ee Soomaaliya ayay ragaadisay arrinta ku saabsan xil ka xayuubinta ra’isal wasaareyaasha.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.