Mooshin Xilka Lagaga Qaadayo Madaxweyne Farmaajo Oo Muqdisho Ka Socda Iyo Cidda Ka Dambeysa

0

Muqdisho(Sayruuq) Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa laga dareemaya dhaqdhaqaaqa mooshin xilka lagaga xayuubinayo madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Ololaha iyo tabaabushaha mooshinkan oo ku bilawday guux hoose ayaa haatan u muuqda mid soo shaac baxaya.Magaalada ayaa laga dareemaya mudaneyaasha dalka dibaddiisa ku muqna oo isugu soo biyo shubtay Muqdisho iyo is xulufaysiga mudaneyaasha.

Warbaahinta Jowhar.com oo la xidhiidhay qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya waxay u xaqiijiyeen jiritaanka mooshinka waxaanay ka gaabsadeen in ay wax tafaasiil ah bixiyaan. Mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha ayaa u baahan 92 Mudane waxaana haatan saxeexay mooshinka 50 xildhibaan waxaanay wararku intaasi ku dareen in la hayo 92 mudane inka badan oo diyaar u ah xilka qaadista. Xogaha ayaa intaasi raaciyay in mudanaha saxeexa mooshinkan la siinayo toban kun oo dollar($10,000).

Mooshinkan ka dhan ah Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxa ololihiisa la sheegayaa inuu isugu jiro dhowr waji oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan Labada Gole baarlamaan, Maamul goboleedyada iyo siyaasiyiin lagu tiriyo inay ku dhow yihiin Imaaraadka Carabta.

Haddii Mooshinkani soo shaac baxo waxa laga yaaba in Soomaaliya gasho qalalaase siyaasadeed waxaanu ku soo beegmaya iyada oo dhawaan baarlamaanku dawladda ku dhalliilay dhiibistii Qalbi-dhagax. Soomaaliya ayaa hore looga bartay mooshinnada mudaneyaashu ku ridaan xukumaddaha.

Sayruuqnews

Contact@Sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.