Mohamoud Xaashi Abdi Abaal laawihii Aarsiga Badnaa

0

Sida sawirka ka muuqata waxa ay xukuumadda Kulmiye amar ku bixisay in magaalo dhan oo dhisnayd la baabiiyo. Xitaa masaajidkii Axad.16.10.16 Qiso yaab leh oo aan hore uga dhicin Somaliland

Dhismaha masaajidkan la duminayaa ma aha Falastiin ee waa Somaliland!

Sida sawirka ka muuqata waxa ay xukuumadda Kulmiye amar ku bixisay in magaalo dhan oo dhisnayd la baabiiyo. Xitaa masaajidkii magaalada dhulka ayaa lala simay.

Hawshan ayaa waxay daba socotay go’aanno ay hore u soo saareen Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha; Yaasiin X. Maxamuud- Faratoon. oo xukun degdeg ah ku soo rogay mid ka mid ah laba beelood oo diriri ku dhex martay meel ku dhow deegaanka magaalada Dogoble.

Arrintan oo aad uga fajicisay dadkii degaanka ku noolaa oo u badan xoolo dhaqato iyo arday wax ka baranaysay Dugsi isaguna la dumiyey. Markii dumintii guryaha iyo dugsiyada la dhammeeyey ayaa la amray in masaajidkana lagu daro!!.

Arrintani waxay noqonaysaa markii ugu horaysay ee magaalo ka dhisan Somaliland la baabi’iyo, isla markaana waa markii ugu horeysay taariikhda ummada Soomaaliyeed ee Masaajid cagaf la mariyo. Oo weliba ay xukuumadi fuliso !

Dadkii degaanka oo aad uga yaabaan ficilkan shabaha ka Yuhuudu ka fuliso dhulka Falastiin ayaa is weydiinaya halka ay jamaca iyo Jimcaha ku tukan doonaanaan!
Abdirahman Ibrahim
Uk
Jacaf3@hotmail.com

Hassan Ogle

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.