Mohamed Kahin miyuu ilaabay ina Samatar iyo Sifir inay Xamar ka soo laabteen

0

Muj. Mohamed Kahin baa ku qud-badeeyey in aanay Kulmiye soo geli doonin dad Xamar ka soo laabtay isaga oo u jeeda Ismail Buubaa. Mohamed wuxuu ilowsanyay in uu Kulmiye ku soo dhaweeyey Ahmed Ismail Samatar oo uu aad uula dhacsanaa in uu xisbigooda ka mid noqdo. Wuxuu kale oo ilowsanyay Sifir oo Mohamed Kaahin ay isku beel ka soo wada jeedaan isna in uu Xamar xil ka soo qabtay kana soo laabtay oo uu Silaanyo u magacaabay dana jiraha Somaliland u fadhiya Nairobi. Hadaba Mohamed Kahin ma wuxuu u jeedaa hadii dadka Xamar ka soo noqdaa Kulmiye ku biiraan waa xalaal haday Waddani ku biraan se waa xaaraan.

Hadii qiyaasta Muj. Mohamed Kahin sidaa tahay ma fayooba ee ha is daweeyo ileyn caqliga ma gasho sidaasi e. Mohamed kaahin bal dhan uun ha isugu luga duwado sidan waxa loo arkaa in Kulmiye isku daatay intii ka danbaysay isbahaysigii Waddani ku biiray oo durba waa kuwaa xafiiskii Waddani ciyaalka u diray ee la yidhi soo shiida. Reer Kulmiye xisaabta way qaldayaan ee xafiis la shiidaa mid la gubo ayuu yeelan doonaa. Muse Biixi ma anaga ka dhignay Donald Trump oo kale. Kulmiye sowtan laga cararay ee loo yaacay Waddani.

kaahin
Labada korneyl Muse biixi iyo Mohamed kaahin HANDS UP oo is dhiiba. Kornayladii maxaa qabsaday way qarsanayaan e. Siyaasi baa dalka hagi kara ee askari waxba soo kordhin maayo bulshaduna ma maqli karaan. Mohamed Kaahin bal dub ha dhegeysto hadaladii uu Ahmed Ismail Samatar ku soo dhaweeyey iyo wuxuu Gabiley shalay kalahaa isaguba wuu is arkai in aannu caadi ahayn e.

Abdi Mustafe

Abmustafe123@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.