Mohamed Ali Kalay Oo Lagu Aasay Magaalada Louisville Iyo Madaxweyne Erdogan Oo Ka Qaybgalay Janasadiisi.

0

Louisville(Sayruuq)-Magaalada Louisville ee gobalka Kentucky dalka Maraykanka ayey ka dhacdan munaasabad xus ah oo loo qabtay Halyeygii Mohamed Ali, waxaana lagu tukaday salaada Janaasada isu soo bax ka dhacay goobtii ugu horeysay oo uu ka bilaabay ciyaarihiisii Feedhka ee magaalada uu ku dhashay.

Xuskan ayaa ahaa mid loogu talo galay in dhamaan dadka ay kasoo qeyb galaan, kahor intaan Aaska uu dhicin maanta oo Jimche ah ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa in badan oo kamid ah Muslimiinta iyo dadka kale ee Maraykanka oo doonayey inay ka qeyb galaan xuska Halyeygaasi caanka ahaa.
Aaska ayaa maanta oo Jimce ah ka dhici doona qabuuro ku yaal magaalada Louisville, waxaana lagu wadaa inay ka qeyb galaan Hogaamiyayaal caalamka ka kala yimid oo uu kamid yahay Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan oo la filayo in aaska uu kalmado kasoo jeediyo iyo dhamaan qoyska Mohamed Ali.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa xalay isaguna si gaar ah warbaahinta uga siidaayey hadalo uu ugu talo galay xuska iyo Tacsida Mohamed Ali oo uu ku tilmaamay halyey si weyn u saameeyey noloshiisa iyo nolosha shacabka Maraykanka gaar ahaan dadka Madowga iyo Muslimiinta Maraykanka.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.