Miyay Kulmayaan Madaxweyne Biixi Iyo Farmaajo?

0
Somaliland iyo Somalia Oo Kulamo Ku Leh Nairobi

Miyay Kulmayaan Madaxweyne Biixi Iyo Farmaajo?
Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Itoobiya. Madaxweynaha Soomaaliya oo socdaal ku tagay dalka Burundi ayaa isna jooga Jabuuti waxaana ilaa xalay soo baxay xogo xooggan oo sheegaya in labada madaxweyne yeelanayaan kulan ka qabsoomaya Addis Ababa.

Hase ahaatee warar soo baxay ayaa sheegaya in aanu kulankaasi qabsoomayn, islamarkaana madaxweyne Farmaajo ku laabanayo Muqdisho. Wararka soo kordhay ayaa sheegaya in xukuumadda Muqdisho mabda ahaan aqbashay kulanka labada dhinac laakiin, ay jiraan falanqayno aan laga heshiin oo ah goobta lagu wada hadlayo, xilliga wada hadalka iyo doorka ay ku yeelanayso Itoobiya.

Waxa la rajaynaya in arrintani hormuud u noqoto dib u bilaabidda wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Wada hadalka waxa ku hawlanayd dawladda Turkiga laakiin, lama oga in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Dr Abiy Axmed door ku yeelan doonaan.

Arrimahan waxay imanayaan isbedelka degdegga ah ee ka dhacay bariga Afrika markii ay is khilaafeen Muqdisho iyo Nairobi. Dadka siyaasadda Odorosa ayaa u arka in safarradan Farmaajo iyo Biixi yihiin kuwo lagaga hor tagayo cilaaqaad dhexmara Hargeysa iyo Nairobi.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.