Miyaad arragtay Qoraalka Xuseen Deyr.?.!

0
Xisbiga Kulmiye Ha Ku Dhiirado Inu Uu Taageerayaashiisa U Fasiro Wixii Ka Khaldamay

Siyaasiga Xuseen Cige Deyr oo Tilmaamay in Kulmiye lagaga Guulaystay Goboladda Togdheer iyo M/Jeex, Maxaa kaaga Baxay Maqaalka u Qorey. (WQ.).Mustafe Axmed Maxamed Geeddi

Siyaasiga Hussein Deyr , waa wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Af-hayeenkii Xukuumaddii Madaxwayne Siilaanyo, Xuseen in badan ayaan ka arki jiray warbaahinta wuxu u muuqday nin deggan oo aftahinimo u dhashay inta badana si xarago leh uga warbixiya shaqada madaxwaynuhu u hayo qaranka xiligaas u ahaa afhayeenka, wuxuu ahaa turjubaanka dhabta ah ee u dhexeeya Shacabka iyo Madaxwayne  Siilaanyo, wuxuu ahaa nin ay shaqdiisa shacabku si wayn ugu qanacsanaayeen , waxaana si wayn loo tabay muddadii uu Madaxwayne Biixi talada dalka hayey , in kasta oo uu Xuseen xukuumaddan la shaqeeyay, si wayn ayaa loo tabay , malaha Xukuumaddii Madaxwayne Siilaanyo ayaa isaga badnay Geed-lab e, oo waa la wada tabay qoodhii iyo qamaamuurtii kaaliyayaasha u ahaa Madaxwayne Siilaanyo ‘ e.
Xuseen muddooyinkii danbena wuxuu la jaal ahaa Xukuumadda Madaxwayne Biixi, wuxuuna qoray qorraal ama maqaal cajiib oo ay addagtahay in uu ku dhiirado masuul lasoo shaqeeyey Xukuumadda Madaxwayne Biixi isla iminkana ka ag dhow,  Xukuumaddan oo ah mid lagu handadday oo lagu Curdin-dhadhiyey arragtidii iyo dooddihii furnaa ee ka dhex jiri jiray xukuumadihii hore ayaan maanta qof ku jiraa la iman karin dood ama arragti waaqaca taabannaysa,  Deyr ayaa si cad ugu tilmaamay in fashil wayni  ka raacay doorashaddan Xisbiga  kulmiye iyo xukuumad-ba isla markaana ay  lumisay tageeraddii shacabka.
Xuseen qoraalkiisa waa mid xaqiiqada ku sar-go’an oo ku dhisan waaqaca dhabta ah, si waafi ahna uga turjamaaya  xaqiiqada maanta ku dhacday Xisbigii taladda dalka  hayay ee  kulmiye, wuxuuna tilmaamay in uu  si wayn ugu  sinbiriirixday tartankii iyo doorshaddii isku sidkannayd ee qabsoontay 31-may loogana adkaadday.
Xuseen waxaa qoraalkiisa uu ku muujiyay kuna xaqiijiyey guuladarrada Xisbiga iyo Xukuumada kulmiye kala caroowday Goboladii u isku Hallayn jiray ee Togdheer iyo M ./ jeex, wuxu si farshaxnimo leh macno iyo dhadhan ugu sameeyey sababaha keennay in guuldaradani ku dhacdo xisbiga kulmiye.
Arragtidda noocan ahi waa mid muujinaysa bisaylka,fahamka iyo garashadda sare ee  Siyaasi Xuseen Dayr , waase lagu colaaddin donaa oo loogama baran qof xukuumada iyo xisbiga la jaal ahi in uu runta u sheego , xaqiiqaddana in la isu sheego ceeb ayaa looga yaqanaa Xukumadan dhexdeeda, sidaa darteed waa in gorrada-loo laaladiyaa oo sacabka loo tumaa si ay ku caashaqaan kuwa mida daabkeeda hayaa, waa sida ay jecelyihiin
Waan ku boggaadinayaa Siyaasi Deyr in u yahay  nin xaqiiqada dul-istaagay oo aan ka gaban runta, Xuseen waxaan qabaa arragtid ahaan inuu yahay siyaasi hal-adag oo badheedhihiisa dhayda ka caddeeya, wuxuu u muuqadaa siyaasi hillaadin leh oo hiraarka iyo mawjadaha Siyaasadda aad ugu xeel-dheer.
WQ. Mustafe Axmed Maxamed Geeddi
Facebook. Mustafe Ahmed Geedi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.