Miyaa laga shakisan yahay Daacadnimada Wasiirrada Biixi?

0
Miyaa laga shakisan yahay Daacadnimada Wasiirrada Biixi?

Masuuliyiin ka tirsan Xukumadda Madaxweyne Biixi iyo siyaasiyiin Kulmiye ah ayaa soo bandhigay dareenno shaki gelinaya daacadnimada Kulmiye ee wasiirrada iyo siyaasiyiinta xisbiga ku abtirsada.

Cabdikariin Xinif oo madaxda Xukumadda iyo Xisbiga Kulmiye ka mid ah ayaa dhawr goor sheegay in Kulmiye dhexdiisa lagu arkay dad u adeegaya Xisbiyada kale.


Mujaahid Cali Guray oo falanqaynayay tirada xildhibaannada Saddexda Xisbi kale heli doonaan ee Wakiillada ayaa sheegay in Kulmiye lagu jabin doono shirguddoonka iyo tirada xildhibaannada wuxuuna eedda dusha u saaray siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta Kulmiye.
Cali Guray Oo Qiyaasay Sida Xisbiyadu U Kala Halayaan 82-ka Xil Ee Wakiillada

Cabdiraxmaan Axmed oo ka mid ah madaxda wasaaradda waxbarashada ayaa isna tixraacay hadalka Cali Guray oo sheegay in uu ku raacsan yahay 100% islamarkaana ka shaki qabo inta badan madaxda xukuumadda.

“Mudane Madaxwayne Wali Gollahaaga Wasiiradda Dhiigga Ma Ka Qaaday?
Immisaa Aammisan Siyaasaddaada IyoTa Xisbiga Kulmiye? Wallaahi Waan Dhaartaye Innaanay Gaadhayn Afar Wasiir,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan.

Halkan ka akhri qormada Cabdiraxmaan Axmed

Wasiir hore Cabdillaahi Cukuse ayaa isna shalay sheegay in uu galka seefta kala bixi doono oo xilligan la gaadhay wakhtigii uu muxaafadnimada ka bixi lahaa.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.