Miisaaniyadda Kililka iyo sida loo maamulay

0

Miisaaniyadda Kililka iyo sida loo maamulay

Tan iyo intii isbedelku dhacay waxaa aad looga hadlaa in la musuqmaasuqay miisaaniyadda deegaanka ee sanadkii lasoo dhaafay.

Bal aan u yara eegno si dulmar guud ah qaabka loo maamulay miisaaniyaddii sanadkii hore ee 2018 (2011 Tirsiga Itoobiya).

  • Wadarta guud ee Miisaaniyaddi waxay ahayd aduun dhan 17.000.000.000 (17 billion Ethiopian Birr) oo isugu jira “Capital Budget” (miisaaniyadda mashaariicda oo 6 bilyan ah) iyo inta kale oo isugu jira hawl-fulin & mushaharaad.

Dhinaca kale,lacagta ugu badan ee la leeyahay waa la musuqmaasuqay waa lacagta mashaariicda (capital budget) ee 6-da bilyan ah. Lixda bilyan 4 bilyan oo kamid ah ayay xukuumaddu kusoo gaadhay oo qayb kamid ah lagu bixiyey ”ongoing projects” mashaariic horey loo qabtay oo socda.

Meesha musuqmaasuqa lagu tilmaamayo waa qaabkii mashaariicda loo bixiyey (oo la leeyahay waa loo kala eexday dadkii mashaariicda la siiyey) iyo qaabkii loo fuliyey mashaariicda (oo la leeyahay waa la isdabamariyey). Ogsoonow hadde lama laha mashaariicdii la bixiyey ayaa lacagtoodii la’iska cunay oo aan la fulin. Waxaa kale oo la leeyahay ”kick back” (ii dhiib) ayay madax xafiiseedyadda qaar ka qaataan qandaraaslayaasha.

Hagaag.

2-daa arrin ee la tilmaamay haddaan qiimeeyey, waxaa iisoo baxday: 1) Dadka la leeyahay waa loo kala eexday looma hayo cadeeymo aan ka ahayn dhowr mashruuc oo la tuhmayo. 2) Mashaariicdii la fuliyey badankood tayadooda ma xuma oo sidii loogu talogalay ayaa loo fuliyey inkastoo khaladaad jiro meelaha qaar. Arrinta “kick back” (ama ii dhiibta) lama cadayn karo laakiin waa dhaqan meeshan kajira.

Intaan dalka ka maray iyo wareeysiyo aan la yeeshay dad xog ogaal ah waxaa iiga soo baxay in mashaariicdii la wada gaadhsiiyey deegaanka badankiis.

Ugu danbayn, 17 bilyan oo 6 bilyan oo kamid mashaariic loo isticmaalay (oo ka dhigan sadex meelood meel (1/3), 6-daas bilyan oo 4 bilyan oo kasii mid ah (1/3) lagu fuliyey mudo 4 bilood ah gudohood waxaa lagu tilmaami karaa guul.

Waxa xusid mudan in xukuumaddu aysan mudo lix bilood ah oo kamid ah sanad miisaaniyadeedkii hore ay la tacaalaysay mashaakilkii faraha badnaa ee ay ka dhaxashay Xukuumaddii hore. Sidoo kale waxaa saamayn ku lahaa miisaaniyadda iskudaygii la damcasanaa in lagu fashiliyo isbedelka Deegaanka.
Nuradiin Jaylaani

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.