Midaynta Manhajka Dugsiyada Somaliland Waa Talaabo In La Bogaadiyo Mudan: W/Q: Cabdiraxmaan Cadami

0
Dalka waxa ka furan dugsiyo iyo machadyo gaar loo leeyahay oo aad u tiro badan oo u hawl gala si jaanta rogan ah ama sidii oo aanay dalka dawladiba ka jirin.
Qaarkood ardayda waxay ka qaadaan lacago badan oo waalidiinta kalif ku ah ama aanay awoodi karin, qaar kale waxay soo gaabiyeen mudadii ardayda loogu tala galay inay ku dhameeyaan dugsiga hoose, dhexe iyo ka sare. Dugsiyada sare ee dawlada iyo kuwa gaarka ah ee ogolaaday inay la fadhiistaan imtixaanka shahaadiga ah waxay qaatay toban maado laakiin kuwa diidan siyaasada waxbarashada Somaliland waxa loo dhigaa afar iyo toban maado iwm. Isla markaa waxa lagu dhigaa manhajyo kala duwan oo laga soo waariday wadamo kala duwan oo ardayda u gudbinaya dhaqamo, taariikh iyo dareen wadaniyad umado kale iyo xataa fekrado diineed oo wadamadaasi ugu talo galeen in carruurtooda lagu ababiyo.
Manhajka iyo buugaagta daabacan (text books) inta badan waxa laga keena dalalka Yemen, Sudan, Saudi Arabia, Maser, Iran, Turkey iyo Kenya. Qaarkood waxa ka dhiga macalimiin ajaanib ah, lama yaqaano wakhtiga ay dalka soo galeen iyo cidii keentay, lama sheegi karo tiradooda rasmiga ah, mana haystaan ogolaansho ay dalka ku joogaan ama kaga shaqeeyaan.
Machadyada qaarkood raga iska leh  ama maamula ma aaminsana gooni isu-taaga ama hanaanka siyaasadeed ee geedi socodka Somaliland, tusaale ahaan ma xushmeeyaan maalmaha taariikhiga ah ee la xuso iyo fasaxyada qaranka waliba waxay ardaydooda u sheegeen in ay xaaran tahay in loo dabaal dego wax aan ka ahayn labada ciidood ee Islaam-ka. Ardayga laguma barbaariyo in uu noqdo muwaadin wanaagsan oo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa jecel balse waxa si dadban loo faraa inuu ka duwanaado bulshadiisa.
Sidaa daraadeed ma aha wax lala yaabo in la akro dhalinyaro reer Somaliland ah oo kala aamisan fekrado diineed oo iska soo horjeeda. Waxa kale oo la arkaa arday yar oo aqoonta dalkiisa ka badiya aqoonta uu u leeyahay Kenya, Sudan ama Yemen. Si kastaba ha ahaate in kasta oo walaaca bulshadu isa soo tarayey hadana xukuumadihii iyo wasiiradii waxbarashada ee kala dambeeyey kuma ay guulaysan inay xakameeyaan waxbarashada gaarka ah ee faraha dawlada ka baxday waxase amaan iyo in la bogaadiyo mudan wasiirka wasaarada waxabrashada iyo tacliinta sare mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane iyo madaxda kale ee ku dhiiraday in ay ku soo daladaha waxabrashada gaarka ah iyo dugsiyada hoos yimaada ku soo dabaalan xayndaabka siyaasada waxabrashada dalka.
Waxa si weyn loo soo dhaweeyey wareegtidii wasiirka ee amraysay in dhamaan dugsiyada dawlada iyo kuwa gaarka ahba lagu dhigo manhaj isku mid ah oo wasaaradu soo diyaarisay. Hadaba si amarka wasiirku u fulo waxa loo baahan in laga digtoonado iska caabin iyo diidmo kaga iman karta daladaha awooda badan oo dhawr jeer oo horeba ku guulaystay inay is hortaagaan dedaalada masuliyiinta wasaarada waxbarashada gaar ahaan in la mideeyo manhajyada dugsiyada dalka.
Gabagabo
Midaynta manhajyada dugsiyada Somaliland waxa lagu tilmaami karaa in ay tahay talaabo wanaagsan iyo dardar hor leh oo wax lagu saxayo laakiin kaligeed xal u noqon mayso dhaliilo badan oo wasaarada lala xidhiidhinayo oo u baahan go’aamo adag iyo geesinimo kuwii hore la mid ah.
Cabdiraxmaan Cadami

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.