Midawga Yurub Oo Ka Hadlay Doorashada Somaliland Iyo Waxa Mawqifkoodii Hore Iska Bedelay

0

Hargeysa(Sayruuq) Saddexdii maalmood ee u dambeeyay waxa magaalada Hargeysa socdaal ku joogay wefti ka kooban ilaa 15 safiir oo ka kala socda dalalka Yurub, kuwaas oo u yimi doorashada madaxtooyada Somaliland ka qabsoontay.

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Veronique Lorenzo oo weftigaasi hoggaaminaysay, ayaa weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye oo waraysi la yeeshay intii aanay ka amba-bixin Hargeysa, waxay sheegtay in dalalkani u arkaan doorashada Somaliland tallaabo hore loo qaaday.

“Waxaanu halkan u nimid in aanu taageerno doorashada Somaliland iyo in aanu dhiiri gelino, Waa horumar si nabad ah u dhacay. Si joogto ah Ayaan u imaadda Somaliland sababtoo ah midawga Yurub waa maalgaliyeyaasha ugu waaweyn barmaamijyada Somaliland, tani waa fursad aanu ku muujinayno taageeradayada oo aanu doonayno in aanu tusno in aanu nahay taageere joogto ah,” Sidaas ayay tidhi Danjire Lorenzo

Safiirradda waxa la waydiiyay aragtidooda xilligan maaddaama doorashada Somaliland dib u dhacyo ku yimaaddeen waxaanay ku jawaabtay “Xaqiiqatan waa sababta aanu sida xooggan ugu taageerayno waayo way jirtay in aanu sannadkan horaantiisii xogaa niyad jabnay doorashaduna marar kala duwan dib u dhacday sababo kala duwan awgood, waxaana jiray walaac ah in aan la soo gaadhin halkan maanta la joogo hase ahaatee markii Komishanku bilaabay diwaangelinta, qaybinta kaadhadhka, Xisbiyadu bilaabeen ololaha doorashada iyaga oo dhawraya xeerka anshaxa waxaas oo dhammi way na rajo galiyeen oo waanu taageernay. Waxaanu xisbiyada ku boorrinay in ay doorashadu si nabad ah u dhacdo waayo waxay Somaliland qabsatay 25 sanno way ka qiimo weyn yihiin wax la lumiyo.”

Waxa kale oo la waydiiyay waxa iska bedelay mawqifka Midawga Yurub maaddaama doorashada Somaliland qabsoontay horena ay u dhalliilsanayeen waxaanay ku jawaabtay “Imika aad baanu uga kalsooni badannahay sidii hore, dimuqraadiyaddu maaha geeddi sahlan mana aha hannaan turxaan la, mar walbana ma samaato oo mararka qaar bay adkaata marka aad baanu ugu baraarugsanahay waxa la qabtay. Waxaanu dareensanahay in mararka qaar caqabadaha siyaasaddu ka sii dari karaan waana sababta dhawrkii bilood ee la soo dhaafay horumarka loo sameeyay ee ay gacanta ka gaysteen dawladdaha, ururada bulshada iyo dhammaan daneeyeyaashuba. Waxay ahayd wax aad u qiimo badan waxaanay muujisay in Somaliland ku taaggan tahay jidkii dimuqraadiyadda.”

Waxa kale oo la waydiiyay waxyaabaha uga baxay doorashadan ay goob joogga u ahaayeen “Inkasta oo aanan ahayn kormeerayaal waxaanu bookhanay meelo ka mid ah goobaha codaynta, wixii aanu soo aragnay waxay ahayd wax dareen taabasho leh, dad badan ayaa safaf dhaadheer ugu jiray si dulqaad leh iyaga oo sugaya in ay codkooda dhiibtaan, jawigu wuxuu ahaa mid deggan, waxa na cajab galisay bulshada oo ay u ahayd fasax Qaran, dadku way wada faraxsanaayeen ka qayb galka dadkuna aad buu u sarreeyay. Waxaanu galnay gudaha goobaha codbixinta, muraaqibiinta iyo goobjoogeyaashuba waxay ahaayeen kuwa garanaya goobta ay joogaan iyo waxa ay qabanayaan. Waxaanu aragnay hannaan toosan, inkasta oo safafku dhaadheeraayeen haddana wax dhib ahi ma dhicin,” Sidaas ayay tidhi Danjire Lorenzo.

Waxa kale oo la waydiiyay in ay jireen waxyaabo iyada si gaar ah u soo jiitay waxaanay ku jawaabtay “Mar kasta oo aan Somaliland imaaddo waxa I cajab galiya dadka sida ujeedada iyo anshaxa leh ee ay siyaasadda qayb uga yihiin iyo sida ay maanta oo kale u wada faraxsanaayeen. Waan la kulmay(Musharraxiinta) si joogto ah ayaanan ula kulmayay bilihii la soo dhaafay saddexda musharrax waxaanan kala hadlayay sida loogu baahan yahay hannaan nabad ah iyo sida aan loogu baahnayn in la jeediyo hadallo xannaf leh oo wax kicin kara, waxaana I cajab galisay sida ay hoggaamiyeyaashu yeeleen, sida ay wada jirka warbaahinta ugula hadleen ee ay u ballanqaadeen in ay natiijada doorashada aqbalayaan,” Sidaas ayay danjire Lorenzo.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.