Michael Keating Oo Ka Hadlay Xiisadda Hargeysa Iyo Muqdisho

0
Michael Keating Oo Ka Hadlay Xiisadda Hargeysa Iyo Muqdisho
Kulan lagaga hadlay arrimaha Somaliland iyo Somalia

Michael Keating Oo Ka Hadlay Xiisadda Hargeysa Iyo Muqdisho

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa wax laga waydiiyay xiisadda ka dhalatay heshiiska Imaaraadka, Itoobiya iyo Somaliland ee u dhexaysa xukumaddaha Hargeysa iyo Muqdisho waxaanu sheegay in ay arrimahaasi u baahan yihiin in Soomaalidu wada hadal ku dhammaysato.

Michael Keating waxa uu sheegay in ay jireen heshiisyo la mid ah kan dekedda Berbera oo Somaliland gali jirtay, islamarkaana aanay jirin wax diidmo ah oo Soomaaliya kala hor timid. Waxa uu sheegay in xukumaddii hore ee Soomaaliya iyo tan hadda jirta midna aanay qorshaha ugu jirin in ay Somaliland ka hor joogsadaan wixii horumarin dhaqaale ama amni ah, sida heshiisyada dhaqaale kobcinta ama dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha ah.

Hase ahaatee wuxuu sheegay in arrintan ay baasiin ku sii shubeen dhawr arrimood “Waxa arrimaha cilladda keenay ka mid ahaa wakhtiga heshiiska oo nasiib darro ahaa in ra’isal wasaaraha Soomaaliya oo Abu Dabay jooga lagu dhawaaqay, iyada oo aan wax talo ah ku lahayn Soomaaliya, taas ayaa ra’isal wasaaraha ku kalliftay dhawaaqiisa,” Sidaas ayuu yidhi Danjire Keating.

Waxa uu sheegay in ay intaas soo raacday bayaan ka soo baxay DP World oo aad siyaasi u ahaa kaas oo keenay in loo arko in uu ka turjumayo mawqifka dawladda Imaaraadka kaas oo isna baasiin ku sii shubay khilaafka.

Waxa kale oo uu sheegay in ay tahay in arrimahan ay dhammaystaan Somaliland iyo Soomaaliya, islamarkaana uu Farmaajo u sheegay in ay go’an tahay bilawga wada hadallada laakiin, arrintan cirka isku shareertay meesha ka saartay jawi lagu bilaabi karo wada hadal. Waxa uu sheegay in markasta oo wada hadalka lagu dhawaadaba ay soo baxayaan arrimo cakiran oo meel adag kala gaynaya hoggaanka labada dhinac.

Michael Keating ayaa la waydiiyay sababta Qaramada Midoobay isaga indho tirayso qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee rubuc qarni in ka badan jirtay waxaanu ku dooday in ay Qaramada Midoobay dhiiri gelinayso wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, islamarkaana natiijada wada hadalku tahay ta go’aaminaysa waxa ay kala yeelayaan Somaliland iyo Somalia mustaqbalka.

Hadalkan ayuu ka sheegay madal su’aalo lagu waydiinayay oo uu qabanqaabiyay machadka Overseas Development Institute.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.