Meelaha ay Iska Shabbahaan Siyaad Bare Iyo Farmaajo

0

Meelaha ay Iska Shabbahaan Siyaad Bare Iyo FarmaajoQalinka: Cali Cabdi Coomay. Meello dhawr ah ayey iska shabbahaan siyaasad ahaan keligii taliyihii Maxamed Siyaad iyo wiilka uu adeerka u yahay ee Maxamed Farmaajo. Waxa aynu inta suurtagal ah soo bandhigi doonaa siyaasad ahaan waxa ay ka siman yihiin.
Colaadinta Itoobiya: Siyaasadii Maxamed Siyaad ee ku waajahnayd Itoobiya, waxa ay ku salaysnayd inuu dhulka kililka shanaad ee Itoobiya xoog Soomaaliya ku soo raaciyo, si uu awood u yeesho Daaroodka ku dhaqan guud ahaan Soomaaliya iyo kililka shanaad oo ay mar kasta ugu guulaystaan kurisga madaxweynnimo, waan kii ku qaaday dagaalkii 1977. Colaada uu Maxamed Siyaad u hayey Itoobiya halkaasi ayey ku sal-leedahay. Farmaajo isaga oo ka duulaya siyaadaasi wuxuu markiiba geeska geliyey Itoobiya, isaga oo bilowgii caleema-saarkiisa diiday casuumada ay Itoobiya u fidisay, taasi beddelkeedana uu aqbalay booqasho ay mar dambe u fidiyeen boqortooyada Sucuudi Arabiya. Raysal wasaare Itoobiya isaga oo ka falcelinaya ku gacansaydhkaasi wuxuu kulan deg deg ah ugu baxay dalka Yugaandha, isaga oo madaxweyne Musefeeni ka codsaday in arrintaasi si wada jir ah kulan looga yeesho madaxweynaha cusub ee Farmaajo oo uu walaac weyn ka muuiyey inuu jidh-diidsan yahay guuda ahaan ciidanka AMISOM iyo gaar ahaan ciidanka Itoobiya. Codsigaasi wuxuu Musefeeni ku dalbaday inay horta eegaan, waxa dhab ka iyo waxa aan dhab ka ahayn, ka dibna ay go’aan midaysan ka qaataan.
Is-bahaysigii MODH: Siyaasadii Maxamed Siyaad waxa cusnista nimacada dalka ku shuraakoobay is-bahaysi qabileed oo uu unkay Siyaad oo loo gaabin jiray’ MODH’, Mareexaan, Ogaadeen, Dhulbahante. Haddii si kale loo dhigo wuxuu ku biyo-shubanayaa” Mareexaan madax ah, Ogaadeen askar ah iyo Dhulbahante Basaasiin ah. Farmaajo si uu u soo nooleeyo is-bahaysigaasi wuxuu dhawaan qasriga madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay saraakiishii iyo madaxdii ka tirsanayd dawladii Maxamed Siyaad ee is-bahaysiga MODH ku qadhaaban jiray, ajandaha kulankan ayaa lagu sheegay’ ka arrinsi nabada dalka’. Ka dib wuxuu kulan gaar ah la yeeshay madaxweyne ku –xigeenka Puntland Camay, halkii uu kala kulmi lahaa madaxweyne Gaas ayaa uu ka doorbiday nin ka tirsan MODH. Farmaajo Wuxuu qasriga madaxtooyada ku qaabiley wasiirkii aan dhicin ee dawladii Maxamed Siyaad Aadan Maxamed Cali, oo ka dhegaystay siyaasadii adeerkii ee ku salaysnayd is-bahaysigii MODH.
Fogeynta Beelaha Majeerteen iyo Isaaq: Maxamed Siyaas siyaasadiisii waxa ugu horraysay inuu ka takhaluuso beelaha aqoonta iyo xadaarada leh, kana fogeynayey inay xukunkiisa u soo dhawaadaan, waa kii sannadkii 1979 ay ciidankiisu xasuuqeen shacab aan waxba galabasan oo ku dhaqnaa gobollada Putland, sidoo kale waa kii ay colaada weyni dhexmartay beesha Isaaq sannadkii 1988 ilaa 1991, ee ay afka ciida u dareen xukunkiisii, ee uu u adeegsaday awoodii ciidanka Soomaaliya ee xasuuqa tirada badan loo geystay. Sidaasi oo kale Farmaajo isaga oo raacaya siyaasadii Siyaad wuxuu bilaabay inuu fogeeyo beesha Majeerteen. Madaxweynayaashii ka horreyey isaga mid kastaa wuxuu wada tashiga xukuumada iyo Raysal wasaaraha magacaabistiisa ka talogelin jiray Puntland, oo ah deegaan ka nabad fiican Soomaaliyada kale.
Farmaajo arrintaasi wuu baal maray, oo Puntland wuxuu ka dhigay mid aan mihiimad lahayn. Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif markai xilka muddo kooban hayeen ayey booqasho ku tageen Puntland, taasina ay ku tusinayso inay tahay deegaan mihiim ah, dhinaca Soomaalilaan wuxuu markiiba ku bilaabay colaad caddaan ah, booqashadii uu Sucuudiga ku tegay wuxuu kaga codsaday dawlada Sucuudiga inay dhexdhexaadiso dawlada Imaraadka si loo joojiyo guud ahaan shirkada DP World iyo saldhiga milatari ee uu Imaraadku ka dhisanayo Berbera, markii ay Sucuuudigu waxba ka tari waayeen joojinta Imaraadka ee hawsha Berbera, ayuu haddana waraaq u qoray Qaramad Midoobay, oo uu kaga codsanayo in la joojiyo hawsha ay Imaraadku heshiiska kula galeen gobollo Soomaaliya ka tirsan oo aanay dawlada dhexe ee Soomaaliya waxba kala socon. Markaad eegto labadaa tallaabo waxa ay markhaati cadd u tahay fogeynta beelaha Majeerteen iyo Isaaq.
Jeclaanta heesaha amaanta ah: Maxamed Siyaad markii uu xukunka dalka xoog kula wareegay, wuxuu bilaabay inuu abaabulo fannaaniintii iyo abwaanadii joogay dhulka Soomaalida, wuxuu isugu keenay Muqdisho, markii dambe wuxuu bilaabay inuu lacago fara badan ku bixiyo abwankii sameeya hees amaanaysa isaga iyo kacaanka, marka abwaanku ka faraxasho curinta heesta, waxa la odhan yaa ku soo baxaya oo cod tolmoon leh, fannaankii codkiisu ku soo baxo heestaasi wuxuu isna heli jiray lacago fara badan. Sidaasi oo kale Farmaajo wuxuu dhawaan laba kulan la yeeshay fannaaniinta iyo golaha abwaanada Soomaaliya ee fadhigoodu Muqdisho yahay, isaga oo kala hadlay inay soo celiyaan heesihii qaranka amaanayey.
Dhegaysiga gabayada Sayid Maxamed Cabdille Xasan: Maxamed Siyaad wakhtiyada uu firaaqda haysto wuxuu dhegaysan jiray gabayadii ina Cabdille Xasan ee nooc kasta lahaa, ha noqdaan kuwii uu ku caayey beelaha soomaalida qaarkood ama kuwii u kula hadlayey Daraawiishtiisii. Markaad dhuuxdo xukunkii Maxamed Siyaad iyo kii Sayidku waxa ay iska shabbeen meello badan, taasina waxa ku dhaliyey dhegaysigii gabayadiisa. Sidaasi oo kale Farmaajo wakhtigii uu Raysal wasaaraha ahaa wuxuu dhegaysan jiray gabayada Sayidka, halkaasina waxa ay isaga mid yihiin adeerkii Maxamed Siyaad.
Ka bixid Dalka markuu xil magacaabo: Maxamed Siyaad markuu xil mihiim ah magacaabo, isla maalintaasi ayuu dalka ka bixi jiray, isaga oo ujeedadiisu ahayd inuu ka yara nasto buuqa iyo loollanka uu kursigaasi leeyahay awgeed, sidaasi oo kale Farmaajo markii uu Raysal wasaaraha cusub magacaabay wuxuu dalka baxay isla maalintii, sidoo kale waxa rajaynayaa inuu dalka ka baxo marka uu Raysal-wasaaraha cusubi ku dhawaaqayo golaha wasiiradiisa cusub.

Somaliland Muddo Kordhin
Kelmada” Iimaanka la idinka qaad”: Maxamed Siyaad wuxuu caan ku ahaa kelmada habaarka xun ah ee ‘ Iimaanlaawayaasha ama Iimaanka lagaa qaad’, oo ku odhan jiray cidda uu u arko inay ka soo horjeedo, sidaasi oo kale Farmaajo ayuu kelmadan ku yidhi niman xil doon ah oo buux dhaafiyey xarunta madaxtooyada, sida ay qortay warbaahinta Soomaaliya qaarkood. Wuxuu yidhi Farmaajo ‘Iimaanka laga qaad xil doon badanaa’. Nimankii ayaa hal mar anfariiray oo xusuustay halhayskii habaar ee Siyaad ummadda ku odhan jiray.
Nacaybka Culimada: Maxamed Siyaad wuxuu nin ku raagay askarinnimada oo aan lahayn aqoon diimeed, taasina waxa ay markii dambe ka muuqtay dhaqankiisii markii uu xukunka dalka xoog ku qabsaday. Wuxuu markiiba ka soo horjeestay wadaadadii sidatay kobaca islaamka Soomaaliya, waxaanu ku suntay naanays fool xun oo ahayd” Wadaad xume”. Aakhirkiina waa kii xukun toogasho ah ku fuliyey koox wadaado ah sannadkii 1975. Sidoo kale Maxamed Farmaajo waa cilmaani neceb wadaadada, oo aaminsan fikir reer galbeed. Waxaana astaanka koowaad ah inuu shaarubaha ula baxo sida cilmaaniyiinta isaga oo gadhka xiira. Sida ay baahiyeen warbaahinta Muqdisho wuxuu ku gacan-saydhay dhawr kulan oo ay ka dalbadeen culimada Muqdisho, taasi oo markii dambe u xaqiijisay inuu yahay ‘MAGAC-MUSLIMLE LEH MASKAX-GAALLE’.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.