“Meel Madaxweyne Joogo Madaxweyne Xigeen Saxeex Kuma Leh, Been Baanu Ku Saxeexay..”Afhayeenka Guurtida Oo Mucaaradka Iyo Madaxweyne Xigeenka Eedeeyay

0

Hargeysa(Sayruuq)- Afhayeenka aqalka guurtida Somaliland Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan(Indho-indho), ayaa ku dooday inaanu sexeexii Madaxweyne xigeenka ee heshiiskii saddexda xisbi iyo xukumaddu ahayn mid saamayn leh. Waxa uu sheegay in go’aankii guurtidu muddo xileedka ugu kordhisay xukumadda iyo wakiilada ee ahaa in doorashada la qabto March 2017 yahay heshiiska kaliya ee sharciga ah.

 

“waxan arkayaa inay axsaabtii sharcigii sidii baloodhadii la isku qabsan jirey ku qabsanayaan oo ay muddo-kordhintii nagu qabsanayaan oo ka dhigayaan ku qabso ku qadimayside, wax laga aqbalayana ma ah oo Toban miridh laga dhimi maayo Go’aankii Guurtida ama heshiisyo xaaraan ah ha galeen ama mid ay sharciyadda ku baalmarayaan ha galeene,”ayuu yidhi Indho-indho.

 

Afhayeenka Guurtida oo u waramay wargeyska Hubaal, ayaa dhaliilay Madaxweyne xigeenka “Meel Madaxweyne Joogo madaxweyne-ku-xigeen wax saxeex  ah oo uu leeyahay ma jirto, faalsuuna ku saxeexay uu leeyahay Goob-joogaan ahay, waxa uu wax ku saxeexayna waa Goob-jooge iyo qof meel iska maraya oo kale riyaawad Hindi ahna ma aha sharcigu, madaxweynuhuna laba goor buu hadlayoo labadaba sharciyad buu ku taageeray Go’aanka Guurtida,” ayuu yidhi Indho-indho.

 

Sida la ogyahay Madaxweyne xigeenka Somaliland ayaa shir gudoominayay kulamadii saddexda xisbi qaran kaga arrinsanayeen murankii ka dhashay go’aanka guurtida, waxaanu saxeexay isagoo madaxtooyada metelaya heshiiskii ay iskula waafaqeen in doorashada la qabto December 2016-ka.

 

Xildhibaan Indho-indho wuxuu sheegay inay mar walba is arkaan madaxweynaha islamarkaana aanay isku khilaafsanayn muddo kordhinta “marwalba madaxweynaha waanu is aragnaa wax khilaaf ah oo madaxweynaha iyo Guurtida dhexyaallaana ma jirto, khilaafkana waxa wada axsaabta mucaaridka oo aad mooddo inaanay doorasho doonayn oo ay dalka baabi’inayaan.” Ayuu yidhi Cabdiqaadir Indho-indho.

 

Xildhibaan Indho-indho ayaa ku dooday inay guurtidu xaq u leedahay korodhsiimaha muddo xileedka,sidaad darteedna aanay madaxweynaha iyo asxaabtu diidi karrin go’aankooda muddo kordhinta.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.