Maydka Ilma yar Oo Laga Helay Laag Biyo Mareen Ah Ku Taala Siinay

0

Hargeysa(Sayruuq)- Ilmo Yar oo Da’diisa lagu qiyaasay 2 sano jir ayaa Salaasaddii Shalay Maydkiisa Oo Bac Lagu mooriyay laga helay Laag ku dhex taala Degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa. Ilaa hadda lama sheegin cid Ilmaha yar dhashay iyo cida tuurtay midna, balse Ciidanka Booliska oo dadkii Maydka Ilmaha yar Meesha ka helay war galiyay ayaa halkaasi ka qaaday.

Inkasta oo Boolisku la wareegay Baadhista ku saabsan Ilmaha yar haddana dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in Caruur Kubadi kaga dhacday Meesha Ilmaha yar lagu tuuray si kadis ah u Arkeen Maydka ilmaha yar.wararka ayaa intaasi ku daray in Ilmaha yar laga saaray Uur ku jirtay,sidaasi darteedna ay u muuqato mid lagala baxay Xubnaha jidhka Qaarkii ama La qashay.
mayd
Dadka Goob-jooga ka ahaa meesha Maydka ilmaha Yar Boolisku ka qaaday oo Dadweyne badani iskugu soo baxay ayaa sheegaya inuu Maydku u muuqday mid mudo yaalay islamarkaana midab doorsoomay. Dadka ayaa ilaa shalay aad u hadal hayay khatarta ay yeelan karto haddii Ilmaha yar la qashay ama Xubno jidhkiisa ka mid ah lala baxay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.