Maxkamadda Sare Oo Go’aan Rasmi Ah Ka Gaadhay Natiijada Doorashada Somaliland

0

Hargeysa(Sayruuq) Maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday go’aankii ugu dambeeyay ee natiijada doorashada madaxtooyada oo qabsoontay 13 November, islamarkaana Komishanku natiijada hordhaca ah ku dhawaaqay 21-kii bishan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali oo go’aanka ku dhawaaqay waxa uu sheegay in aanay jirin cid cabasho kasoo gudbisay natiijadii hordhaca ahayd ee guddida doorashooyinka, sidaas daraadeed maxkamaddu waxay ansixisay natiijadii hordhaca ahayd ee loo soo gudbiyay oo ay ku guulaysteen musharrixiintii xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici.

Musharraxiintii la tartamay ayaa hore u aqbalay natiijada doorashada waxaana la filaya in 14-ka bishan ay xilka la wareegaan musharraxiinta guulaystay.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.