Maxkamadda Oo Xukuntay Maxamed Kayse Bigeeye
Maxkamadda gobolka Maroodijeex ayaa Maxamed Kayse Bigeeye ku xukuntay Sanad iyo lix bilood oo xadhig ah. Ninkan ayaa loo xidhay erayo la sheegay in uu ku aflagaadeeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kaas oo uu ku yidhi ‘Madaxweynuhu waa local’ hase ahaatee lama oga macnaha uu yeeshay eraygaasi.
Shalay ayay Maxkamadda gobolku ku xukuntay saddex sannadood oo xadhig ah Naciima Abwaan Qorane oo lagu eedeeyay in ay Qaranka aflagaadaysay kuna tilmaantay Somaliland gobol Soomaaliya ka mid ah.