Maxkamadda G. Maroodijeex Oo Xukuntay 3 Qof

0
Maxkamadda G. Maroodijeex Oo Xukuntay 3 Qof

Maxkamadda G. Maroodijeex Oo Xukuntay 3 Qof
Maxkamada gobolka Maroodijeex waxay maanta xukunno kala duwan ku riday odayaal loo haystay inay sheegteen maayarka iyo maayir ku xigeenka caasimadda Hargeysa sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex.
Qaar ka mid ah bulshooyinka Hargeysa oo si weyn u saluugay dawladda hoose ayaa bishii October abaabulay dadaallo danta wax u qabso ah waxaanay degmooyinka qaar samaysteen maamul u gaar ah kuwaas oo dadkii ku lug lahaa xukumaddu xidhay.
Xukunnada lagu riday dadka lagu eedeeyay dambi Qaran:-
1. Caaqil Xasan waxaa lagu xukumay afar sano oo xadhig ah.
2. Xuseen Shabeel waxaa lagu xukumay saddex sano oo xadhig ah.
3. Xasan Kaam-liibaan waxaa lagu xukumay laba sano oo xadhig ah.
4. Cabdiqani Madoobe xorriyaddiisa ayaa loo celiyay kaddib markii loo waayay wax dambi ah.

Xukumadda Oo Ka Hadashay Dad La Xidhxidhay

Dadweynaha degmooyinka Axmed Dhagax, Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe waxa bishii October ka socday dareen lagaga soo horjeedo dawladda hoose ee caasimadda oo lagu dhalliilay wax qabad la’aan. Arrimaha dhacay waxa ka mid ahaa cashuur joojin lagu dhawaaqay iyo masuuliyiin danta guud uga shaqeeya degmooyinka oo la cumaamaday.

Source: Suxufi Ilyas Cabdi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.