Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Oo Caawa Xayiraaddii Ka Qaadday Wargeyska HUBAAL

0

Hargeysa(Sayruuq)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa muddo Sagaal Bilood iyo Dheeraad ah kadib xayiraaddii ka qaadday Wargeyska Hubaal oo kasoo bixi jirey Magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Faysal Cabdilaahi Ismaaciil (Faysal-dhago- dhago), ayaa soo saaray Amar uu xayiraaddii kaga qaadayo Wargeyska Hubaal oo muddo 283-habeen ah xarun ah Ciidamo boolis ah oo Maalintii xayiraadda la saaray xarun ah u ahayd.
Guddoomiye Faysal ayaa isagoo tixraacaya Codsi horraantii Bishii march ee Sanadkan kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Wargeyska Hubaal oo nuxurkeedu ahaa in laga qaado xayiraadda wargeyska Saaran, isla-markaana raalligelin uu kaga Bixinayey Wixii gef ahaa ee ka dhacay, waxa uu Go’aansday in laga Bilaabo 25,08,2014-ka oo ku Beegnayd Maanta maxkamaddu Goblka Hargeysa ka qaadday xayiraaddii saarnayd Wargeyska.
Wargeyska Hubaal ayaa dhaleecayn iyo aflgaado in badan ka qoray taliyaha ciidanka booliska kaaso aakhirki sareeye guuto cabdilaahi fadal iiman uu la tiigsaday maxkamada gobalka oo xayiraad saartay .
isku soo wada duubo wargayskan ayaa maanta waxii ka danbeeya noqon doona mid xor ah oo sidii caadada u ahyed ka soo baxi doona caasimadda Hargeysa.hubaal

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.