Maxay Tahay Ujeedada Weftiga Ereteriya?

“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Wuxuu Xoogga Saaray Baryahan In Uu Farmaajo Ka Soo Reebo Isbahaysiga Somalia, Ereteriya & Itoobiya, Marka Safarkan Wuxuu Jawaab U Noqon Kara Socdaalka Geelle Ee Muqdisho,” Cabdiraxmaan Cadami

0
Maxay Ereteriya Ka Tidhi Kulamadii Somaliland?

Maxay Tahay Ujeedada Weftiga Ereteriya?
Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay kulan la qaatay wefti ka socda Waddanka Ereteriya. Weftiga oo aan hore loo shaacin waxa hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya Mudane Cismaan Saalax oo uu weheliyo la taliyaha madaxweynaha Mr Yemane Gebreab oo ah siyaasi saamayn ku leh siyaadda Ereteriya kana mid ah masuuliyiintii ka shaqeeyay heshiiska Itoobiya iyo Ereteriya.

Kadib soo dhawayn iyo kulanka madaxweynaha wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya waxa uu sheegay in madaxweyne Afwerki u soo diray si ay ugu yaraan xogogaal ugu noqdaan arrimaha Somaliland “ Waxaanu siyaasadda Geeska Afrika ka maqnayn 20-kii Sanno ee u dambeeyay maxaa yeelay waxaanu ku jirnay xaalad aad u xun. Waxa Ereteriya saameeyay dagaalkii nidaamkii TPLF(Tigraygu) kaga soo horjeeday kadibna waxa noo raacay cuno qabatayn. Waxaanu u halgammaynay sidii aanu uga bixi lahayn dhammaan cabudhintaas,” Sidaas ayuu yidhi wasiirka oo intaasi raaciyay in hadda ay heshiiyeen Itoobiya, islamarkaana gobolka nabadi ka aslaaxday “Sidaas awgeed waxaanu is nidhi waa xilligii aad Somaliland tagi lahaydeen si aad u xaal ogaataan,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Cismaan Saalax waxaanu intaasi raaciyay in ay siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba xaal ogaan doonan Somaliland kadibna xogta kula noqon doonan madaxweynahooda.

Geesta kale wasiirka warfaafinta Ereteriya Mr Yemane G. Meskel oo boggiisa Twitter-ka kaga warbixiyay ujeedada weftiga reer Ereteriya ayaa sheegay in weftiga oo muddo saddex cisho ah joogaya Somaliland kulamo la qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee Somaliland, islamarkaana socdaalkoodu qayb ka yahay dadaallada isbedel ee ka socda gobolka “Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu muujiyay in uu u bogay hindisaha Ereteriya( Waddo),” Sidaas ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Ereteriya.

Wasiirka warfaafinta Ereteriya waxa uu sheegay in ujeedada weftigii u horeeyay ee Ererteriya ku yimid Hargeysa yahay bilawga cilaaqaadka Somaliland iyo qayb ka noqoshada dadaallada socda ee kor loogu qaadayo ammaanka gobolka, islamarkaana weftigu saddexda cisho la kulmi doono jilayaasha kala duwan ee siyaasadda Somaliland.

Dhinaca kale Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami oo falanqeeya siyaasadda, islamarkaana si dhaw ula socday dabaysha isbedelka ee Geeska Afrika ka socota tan iyo Markii Dr Abiy Axmed noqday ra’isal wasaaraha Itoobiya waxa uu wargeyska Waaberi u sheegay in uu weftiga Ereteriya oo aan hore loo sii shaacin safarkiisa u arko wefti culayskiisa leh oo ujeedo muhiim ah u socda.

Cadami waxa uu sheegay in arrimo dhawr ah loo qaadan karo ujeedada weftigan Ereteriya kuwaas oo ay ka mid yihiin in indhaha laga qarsan kari waayay in Somaliland door ku leedahay siyaasadda gobolka ka socota oo markii hore ku tiirsanayd heshiis u dhexeeyay Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya oo hadda u muuqda in uu socon waayay.

Waxa uu sheegay in Ereteriya oo muddo dheer gobolka gadoon kaga jirtay danaynayso in ay ogaato xaaladda Somaliland, islamarkaana doorkeeda ku yeelato hirdanka loogu jiro ka qayb galka wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya “Haddii ujeedada Ereteriya la xidhiidho isbedelka gobolka waxa ay noqonaysa in Ereteriya garwaaqsatay in aan Somaliland doorkeeda la dafiri Karin,” Sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cadami.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami oo wargeyska Waaberi waydiiyay in safarka weftiga Ereteriya iyo socdaalka madaxweynaha Jabuuti maalmahan ku joogay Muqdisho uu xidhiidh ka dhexeyn karo ayaa sheegay in la tuhmi karo maaddaama wali khilaafka Ereteriya iyo Jabuuti taaggan yahay.

Waxa uu sheegay in safarka madaxweynaha Jabuuti u muuqdo mid uu madaxweyne Farmaajo kaga reebayo hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Ereteriya sidaas awgeedna ay arrimahani xidhiidh yeelan karaan “Madaxweyne Farmaajo heshiis buu la galay saddex geesoodka Itoobiya, Ereteriya iyo Soomaaliya. Heshiiskaasi muu shaqayn, Marka Ismaaciil Cumar Geelle(Madaxweynaha Jabuuti) wuxuu xoogga saaray baryahan dambe in uu Farmaajo ka soo reebo Isbahaysiga, Imaatinka weftiga Ereteriyana waxay jawaab u noqon karta safarka Ismaaciil Cumar Geelle ee Muqdisho,” Sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cadami.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay boggiisa Twitterka ku sheegay in ay weftiga Ereteriya isla qaada dhigeen xidhiidhka labada dal, isdhexgalka dhaqaalaha gobolka, ammaanka iyo isbedellada siyaasadeed ee Geeska Afrika. Waxa uu sheegay in ay isla qaateen in labada Qaran uu ka dhexeeyo xidhiidh walaalnimo, islamarkaana ay soo mareen taariikho isku mid ah.

Ereteriya oo xorriyaddeeda ka qaadatay Itoobiya ayaa gadoon siyaasadeed ku jirtay labaatankii sanno ee u dambeeyay waxaana loo arka in ay isku marxalado soo mareen Somaliland oo intaasba ahayd bilaa citiraaf sidoo kalena dhanka dagaallada ay isku taariikh ka yihiin.

Dadka siyaasadda odorosa ayaa aamminsan in xidhiidhka u curtay Hargeysa iyo Asmara uu saamayn doono xidhiidhka Hargeysa iyo Jabuuti. Dawladda Jabuuti ayaa hore uga muraara-dillaacday Soomaaliya oo taageertay Ereteriya in cuno qabataynta hubka laga qaado waxaana la eegaya sida ay Jabuuti uga dareen celiso xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Ereteriya.

Xigasho: Wargeyska Waaberi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.