Maxay Tahay Hawsha Aan Yarayn Ee Xaashi Haya?

0
Maxay Tahay Hawsha Aan Yarayn Ee Xaashi Haya?

Maxay Tahay Hawsha Aan Yarayn Ee Xaashi Haya?
Wasiirkii hore ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in bilawgii xukuumadda Biixi uu madaxweynaha u sheegay in aanu wax xil wasiir ah uga baahnayn maaddaama uu muddo ku soo shaqeeyay xil heer wasiir ah.

Mr Xaashi oo ka jawaabayay su’aal nuxurkeedu ahaa in uu qaadanayo haddii madaxweyne Biixi magacaabo ayaa sheegay in uu 9 sannadood xil heer wasiir ah soo hayay horena madaxweynaha ugu bandhigay mawqifkiisa ah in aanu wasiirnimo qaadan doonin.

Arrinta xusidda mudan ayaa ah in mudane Xaashi yidhi “Marka waxaan ku jira_ hawl aan yarayn ayaan anigu qudhaydu hadda hayaa oo fara badan marka hadda xil kale diyaar u ihi.”

Maxamuud Xaashi ayaa hore loo ogaa in uu u xusul duuban yahay jagada guddoomiyaha xisbiga Kulmiye si uu halkaasi ugu gaadho musharraxa madaxweynaha Kulmiye ee madaxweyne Biixi xiga laakiin, ma muuqdo sansaan madaxweynuhu ku wareejinayo jagadaasi.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.