Maxay Somalilaan U Guulaysatay, Kurdistaanta Ciraaqna U Guuldarraysatay?

0
Maxay Somalilaan U Guulaysatay, Kurdistaanta Ciraaqna U Guuldarraysatay?

Maxay Somalilaan U Guulaysatay, Kurdistaanta Ciraaqna U Guuldarraysatay?

Sannadkii 1998kii siduu u dhammaa diyaaradda Mig17 ayaa ka kacaysay gigo dayuuradeed oo ku taalla magaalada duleedkeeda. Afar daqiiqadood gudahood waxay dul haadaysay magaalada. Waxay ku tuurayeen afar bam markiiba oo baylootyadii kaga helayeen lacag gaadhaysa $4000(afar kun oo Dollar) kaligii taliyaha, sidii arxan darrada ahayd ee ay shacabka u xasuuqayeen isaga oo jooga meel u jirta kumannaan Mayl.

Sawirka noocaas ahi waxa uu u egyahay mid ka hadlaya kurdiyiinta Ciraaq oo Saddaam Xuseen doonayay inuu ku ciqaabo madax adayggooda iy hoggaansanaan la’aantooda . Hase ahaatee waxa uu ka dhacayaa Hargeysa oo ah caasimadda Soomaalilaan.

Dad Go’doonsan Oo Isku Taariikh Ah

Isku ekaanshaha taariikheed ee kurdiyiinta Ciraaq iyo Soomaalilaan waa mid la yaab leh. Labaduba waxay dhibi ka soo gaadhay kalitaliyayaal ay taagerayeen midowgii soofiyati iyo maraykanku( Proxy War). Maxamed Siyaad Barre iyo Saddaam Xuseen labaduba waxa ay weerareen dalal jaarkooda ah, labaduba waa ay ku jabeen dagaalkii. Intii u dhaxaysay 1988 iyo 1991kii qabiilka Isaaqa iyo kurdiyiinta Ciraaqba, waxay waajaheen guluf colaadeed oo ay dawladda dhexe ku doonaysay inay ku dhammayso dhibaatooyinka ka taagan gobolladooda si kama danbays ah.

Somaalilaan iyo Kurdistaan ciraaq labadaba dad magac leh oo ka tirsanaa dawladda ayaa ka goostay kaligii taliyaha siyaad Barre iyo Saddaam labadaba. Illaa maantada aynu joogno waxa labadaa meelood laga faqaa maydadkii dadkii ay xasuuqeen dawladahaasi. Qiyaasaha ugu sarreeyaa waxay gaadhsiiyeen dadkii waayadaa la xasuuqay labada dalba in ka badan 100,000( boqol kun) oo qof.

Kurdistaanta Ciraaq iyo Soomaalilaan, labadaba sannadkii 1991kii, waxa uu u ahaa sannad dhiig badani daatay. CIraaq iyo Soomaaliyaba waxa ku kacay jabhado ka soo hor jeeday kaligood taliyayaasha. Faraqa kaliya ee u dhexeeyaa waa Siyaad Barre oo u cararay dibadda , waxa uu geeriyooday 4 sano kadib. Balse Saddaam Xuseen xoog ayuu dib ugu wada qabsaday, marka laga reebo saddex goobood oo kaliya halkaas oo ay kurdiyiintu ku nabad galeen, balse loo diiday inay diyaaraduhu dul haadaan. Iyada oo taasi jirto haddana ciraaqda Kurdistaan iyo Soomaalilaan labduba waxay noqdeen dawlado buuxa. Dawladda Kurdistaanta Ciraaq waxay qabatay doorashooyin 1992kii, iyada oo labadii nin ee ugu tunka weynaa gobolka, waa hoggaamiyihii Xisbiga Kurdistan Democratic party, Mascuud Barazani Iyo hoggaamiyihii Patriotic Union of Kurdistan Jalal Daalibaani, ay isku mid ah isugu raaceen inay awood qaybsi sameeyaan. Halka somaalilaan shirkii lagu qabtay Boorama 1993 lagu doortay madaxweynihii ugu horreeyay, iyaga oo immika maraya madaxweynihii shanaad.

Waxa jira waxyaabo kale oo ay wadaagaan labadan gobol: maadaama labaduba dawladahooda iyaga uuni go’aan ka gaadheen, labaduba waxay waajaheen laba cunaqabaynood. Bulshada caalamku waxa ay cuno qabatayn saareen Ciraaq iyo Soomaaliya, ciraaq iyo soomaaliyana waxa iyaguna xayiraad sii saareen gobolladii ka go’ay. Intii cunaqabtaynta lagu hayay labada rajiim, maraykanka iyo qaramada midoobay waxay xoolaha ay siinayaan toos ugu shubayeen labada caasimadood ee labadan dawladood, iyaga oo uga jeeday inay madaxweynayaasha ku soo dhawaystaan iyo inaanay dhiirri galin kala goo’go’a dalalkaa. Hannaankaasina waxa uu sii laban laabay musuqmaasuqii.

Laakiin maanta waxay doonaan ba ha soo maraane, isku ekaanshahaasi waa uu dhamaaday. Soomaalilaan waxay yeelatay dimuqraadiyad si fiican u kobcaysa, waliba iyada oo aan la aqoonsan. Aqoonsi la’aantu waxay ku keentay caqabado dhaqaale oo adag, sidaasooy tahay haddana waxa xoog leh ganacsiga gaarka ah. Halka kurdistaanta Ciraaq ay tahay gobolka ugu dimuqraadiyadda liita Ciraaq.
Halka Soomaaliland ka doorteen shan madaxweyne illaa 1993kii, oo doorashadii u danbaysay lagu qabtay hannaanka la sawirayo wiilka indhaha, ciraaqda Kurdistaan, waxay yeelatay madaxweyne kaliya. Mascuud Barzan, inkasta oo muddo-xileekiisii dhammaaday, haddana wali waxa uu fadhiyaa qasriyadiisii, shaqaalihiisii iyo dhaqaalihii dalkana wali waa uu maamulaa. Dimuqraadiyadda Somaliland lafteeda lama odhan karo waa ay dhammaystiran tahay, waayo abaaro soo noqnoqday iyo mushkilado kale ayaa sababay in dhowr jeer doorashada baarlamaanku dib u dhacdo, inkasta oo lagu wado in sannadkan dhammaadkiisa la qabto.

Is barbardhiga ganacsiyada gaarka ah.

Sidee bay Jamhuuriyad fakhri ah oo ku taalla geeska Afrika, uga dheeraysay Ciraaq-da Kurdistaan ee saliidda qaniga ku ah? Faraqa ugu weyn ee u dhexeeya Somaliland iyo Kurdistaanta Ciraaq waxa laga yaabaa inuu yahay, siyaasadda iyo ganacsiga kala xadaysan ee Soomaliland. Dhaqan ahaan, ganacsiga ugu weyn ee Somaliland waxa uu ahaa dhoofinta xoolaha nool. Ganacsatada xoolaha ayay ahaayeen kuwii sida weyn uga qayn qaatay in dalka nabad lagu soo dabbaalo Somaliland halka Somalia ay dhex gashay fawdo iyo kala danbayn la’aan.

Inkasta oo ganacsiga somaalilaan ka jiraa aad u kala duwanyahay islamarkaana aad u horumaray, haddana liid weyn baa u dhexeeya , dabaqadda ganacsatada iyo siyaasiyiinta. Ragga ganacsatada ahi waa suurtagal inay taageeraan musharrixiinta, balse waa naadir in iyaga laftoodu noqdaan musharrixiin siyaasadeed, kamana baqdaan in laga aar goosto haddii musharrixii ay taageerayeen laga guulaysto.

Kurdistaanta Ciraaq, si ka duwan, dabaqadda siyaasadda ku jirta ayaa ah isla dabqadda ganacsatada. Barzaaniiinta iyo Talibaaniyiintu uma laba lugoodiyaan inay isticmaalaan awooddooda siyaasadeed iyo tu millatari haddii ay u baahdaan si ay ugu guulaystaan tartanka ganacsiyeed. Taasina waxay jar ka tuurtay dhaqaalihii gobolka. Kurdistaan siday u dhantahay, horumarka dhismayaasha iyo hantida ma guurtada ah ayaa abuurtay qaninnimo been ah. Laakiin wax aanay ogayn badi dadka shaqaalaha ah ee dibadda ka yimaadda iyo saxafiyiinta soo booqda ee u muusooda guusha kurdistaan ayaa ah in badi guryaha dabaqyada ah iyo hudheelladu ay madhanyihiin, hummaaggaa guusha ahina aanu haba yaraadee ahayn mid jira. Xunbadaasina waxa ay dagi doontaa marka dhulkaa danta guudee dadka dawladda xidhiidhka la leh la siiyay laga dhigo hanti qaran.

Sidaa si ka duwan, kala xaddidnaanta siyaasadda iyo ganacsiga ee dhanka Somaliland siyaabo kale ayuu ugu faa’ideeyay. Kurdistaan iyo Somaliland-ba waxay aad ugu tiirsanyihiin qurba joogtooda. Laakiin halka qurbo joogta Kurdistaan ee doonaysay inay maal galiso gobolkooda ay ka hor timid baqdin ah inay xoolahooda ku waayaan musuqmaasuqa dawladda, iyo sharcigii ganacsiga oo aan jirin, dhanka Somaliland qurbo joogtu si weyn ayay u maal gashadeen dalkooda( dadka reer Somaliland waxay ku kaftamaan in qof kasta oo qurbaha ka yimaadda uu furto meel bunka laga cabbo).

Maal-gashiga oo kaliya maaha waxa kala duwanaanshaha samaynayaa. Boqolkiiba 70% miisaaniyadda gobolka Kurdistaan waxay ku baxdaa Mushahar, taasi oo ku dhow dalka Cuba, . laakiin xaqiiqada ah in 90% dadka reer Somaliland ay ka shaqeeyaan shaqooyin iyo ganacsiyo gaar ah, macneheedu waxa weeyaan inay dhaqaale sameeyaan halkii ay ka dawladda isticmaali lahaayeen. Waxaana suurtagal ah inay taasi tahay sababta Kurdistaan Ciraaq ay ugu jirto dayn gaadhaysa $20 billion oo Dollor, halka Somaliland aan wax dayn ah lagu hayn haba yaraatee. Dabaqadda ganacsi ee aadka u ballaadhan ee Somaliland, waxay cashuur laxaad leh soo galisaa dawladda. Kurdistan waa ay yartahay cashuur la qaadaa. Barzani iyo Talibani, ma bixiyaan wax cashuur ah.

Darajo Aan Qaraabo Kiil Lahayn.

Inkasta oo miisaaniyadda somalilaan yartahay-oo ah dhowr boqol oo milyan oo Dollor- , haddana waxa loo isticmaalaa si waafi ah. Mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee Somaliland gaadhay ayaa ah inay dhammaan kooxihii hubka sitay ee maleeshiyaadka ahaa ku midaysay meel kaliya oo ah ciidanka qaranka intii ka danbaysay 1991kii. Arrintaasina waa mid wali hadal uun ku ah Kurdistaaant walina aanay ka dhabayn. Somaliland waxay ku bixisaa in ku dhow saddex dalooloow dalool miisaaniyaddeeda ciidanka iyo kuwa kale xeebaha ilaaliya. Halka Somalia ka noqotay fawdo iyo halaq-mareen, Somaliland waxay baddeeda ka waabisay kooxaha qawlaysatada badda iyo sidoo kale inay dhulkeeda u diidday AL-shabaab, oo ah koox dhawr sano ka hor ku dhawaaqday inay yihiin garab ka mid ah Al-qaacida.

Dhanka kale Kurdistaan Ciraaq waxay leedahay miisaaniyad aad uga badan ta Somaliland, balse waxa dhulkeeda qayb ka mid ah ku unkamay kooxda dawladda Islaamka( Daacish) oo qixisay badi dalkii halkaa degganaa. Sababta faraqa intaa leegi ugu dhexeeyo labadan gobol, waxa uu noqon karaa, Somaliland uma magacowdo Jananno ciidan, dhallinyar ku jirta da’da labaataneeyada(20s), laakiin waxay leeyihiin hannaan kala danbayn millatari oo si fiican u dhisan.

Sidoo kale jawi ganacsi oo furfuran ayaa u saamaxay Somaliland inay wax weyn qabsato iyada oo wax yar haysata. SL waxa ku yaallaa warshadda labaad ee ugu weyn CoCa Cola ee Africa. Sida ay sheegtay jariiradda Financial times Somaliland waxay ku guulasatay inay hesho oggolaanshaha inay shirkaddan ka furto dalkeeda iyada oo aan aqoonsi caalami ah haysan. Coca Cola taariikh ahaan Ciraaq waa ay joogi jirtay, in kasta oo dagaallo iyo Saddaam Xuseen ad-adayggiisii awgii ay dalka ka baxday. Sannadkii 2006 Kurdistaanta Ciraaq waxay ku guulaysatay inay hesho fasax iyo oggolaansho inay shirkado alaabtooda ku soo saari karaan isla markaana iibin karaan( Franchise), markii hore waxa aad uga helay qoyska xukuma gobolka, markii danbena waxa la wareegtay shirkad Turki ah.

Xawaaraha Tiknoolajiyadda

Halka Kurditaanta Ciraaq ay aad uga danbayso dhanka tiknoolajiyadda -dadka gobolku waxay ku kaftamaan, qofka isku daya inuu iska daayo isticmaalka shirkadda telefoonnada ee uu leeyahay Sirwan Barzani, ee loo yaqaanno Korek Telecom, waxa la jaraa khadka isaga oo aan wali go’aankii qaadan).

Somaliland waxa noqotay e-Republic, iyada oo la dhigaysa dalaka sida Estonia. In kasta oo kaabayaasha dhaqaale ee muuqdaa sida waddooyinka ay burbursanyihiin, caawimo dibadeed oo aan jirin awgeed, haddana shirkadaha maxalliga ahi waxay aad horumar uga sameeyeen tiknoolajiyadaha cusub, iyaga oo higsanaya mustaqbalka dhow meelo aad u sarreeya. Shirkadaha tilifoonnada ee Somaliland waxay dhawaan dalka oo dhan ka daah furayaan adeegga 5G.

Sannadkii 2009, shirkadda ugu weyn dhanka telifoonnada ee Telesom ayaa bilawday adeeg ku shaqayanaya xawilaadda lacagta oo loo yaqaan Zaad. Maanta badi waxa la iibsanayo waxa lagu isticmaalaa Zaad. Xataa masaakiinta dawarnaysaa ee masaajiddada hortoodu waxay ku sheegayaan nambarkooda Zaad-ka. Hannaanka lacagta lagu dirayo electronic ee Zaad, waxa uu u sahlay saraakiisha shirkadaha inay ka hor tagaan in mushahar bixinta shaqaalaha dhexdooda ay ka dhacdo caaglayn( ghost employees). Caaglayntu waa mushkilad weyn oo ka taagana Kurdistan Ciraaq, dhaqaaleheedana naafaysay. Waxana iska cad in madaxda Kurdistaan ay wali hortaagan yihiin in hannaan baanan caalami ah laga hir galiyo Kurdistaan, waayo waxay khatar galinaysaa qorshayaasha sharci darrada ah ee lacagta lagu helo, dad baanina ku jiraan.

Dhibta ugu badani waxay ka timid saliidda. Saliidda laga soo saaray Kurdistan Ciraaq waxay sababtay musuqmaasuqii ugu xumaa ee abid ka dhaca halkaa, iyo waliba in dhaqaaluhu, sida lagu doodayo, uu ka liito ka hor intii aan shidaalka la helin. Xaaladda noocan oo kale ahi, waxay sidoo kale mija xaabin kartaa Somaliland haddii shirkadaha DNO iyo Genel-oo labaduba ka soo shaqeeyay Kurdistaan, sidoo kalena sahamin ka wada Somaliland ay xaqiiiyaan in kayd shidaal jiro.

Madaxda Kurdistaan waxay doonayaan inay la xisaabtanka ka leexiyaan maamulkooda iyaga oo u sibir saaraya eedaynayana Baghdad, dalalka jaarka ah ee aan saaxiibka la ahayn, aqoonsi la’aanta, iyo wax kasta oo u suurta gala inay ku leexiyaan. Laakiin waxay u egtahay in la soo gaadhay xilligii dadka reer Kurdistaan diblomaasiyiinta, iyo dadka sida weyn u maal gashadaaba ay is weydiin lahaayeen sida gobol Somaliland oo kale ah, oo ay isku taariikh yihiin, tirada dadka isaga mid ah, sidoo kalena wadaaga goobaha ay ku yaallaan dhibaatooyinka ka jira, uu uga soo dabbaashay dagaallo iyo burbur, oo dimuqraadiyad kaliya uun aan ku gaadhin balse gaadhay dhaqaale gunta laga soo unkay isla markaana caafimaad qaba si ka duwan Kurdistanta Ciraaq.

  1. Michael Rubin @mrubin1971
    February 27, 2019 | 1001 Iraqi Thoughts

Waxa Soo Tarjumay:
C/raxmaan Hayaan
Cbdrxmngeni@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.