Maxay Ka Yidhaahdeen Culimada Islaamka Iyo Kuwa Saynisku Faa’iidada In Dhinaca Midig Loo Seexdo

0

Hargeysa(Sayruuq)-Dhakhaatiirta caafimaadka waxay isku raacsan yihiin in hurdadu tahay mid ka mid ah nimcooyinka waaweyn ee Illaahay ugu deeqay aadamaha, isla markaana la’aanteed aysan suuragali karin in qofka uu ku noolaado nolol caafimaad leh.

Haddaba iyadoo sidaasi jirto ayaa hadana khubaro caafimaad oo si gaar ah daraasad ugu sameysay huradada loo seexdo dhinaca midigta ayaa sheegtay in la heley waxyaabo gaar ah oo muujinaya tilmaamo faa’iido u leh qofka.

sleeping

1- Dhakhaatiirta waxay xaqiijiyeen in hurdada loo seexdo dhinaca midigta ay caafimaad u leedahay qofka marka loo eego dhinaca bidix.

2- Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in si qofku uga dhergo huradada uu u baahan yahay 7 ilaa 8 saacadood habeenkii, taasina ay ku iman karto dhinaca mdig oo marka hore loo seexdo.

3- Wadnaha oo ah xubinta kontoroosha dhaqdhaqaaqa jidhka oo dhan waxa uu sameeyaa foorar marka loo seexdo dhinaca bidix taasoo khalkhal galisa hurdada qofka kuna abuurta daal iyo xanuun, sidaasi awgeed dhakhaatiirtu waxay ku taliyeen in midigta loo seexdo.

5- Dhakhaatiirta ayaa sidoo kale sheegtay in neefsiga qofka iyo hawo qaadashada ay kaga wanaagsan tahay inuu dhinaca midig u seexdo halka uu bidixda u seexan lahaa.

Dhamaan arimahan waxay ka mid yihiin talooyin caafimaad oo ka soo baxay daraasad ku saabsan hurdada, taasoo si rasmi ah loo shaaciyey, waxaana si aad ah loo amaanay huradada dhinaca midigta.

Haddaba akhristow sow ma ogid in Rasuulkeena SCW uu na baray sunaha ah in midigta loo seexdo marka hore waliba iyadoo qofku weyso qabo, marka hadda ma ogaatay faa’iidada ay leedahay jiifka midigta loo seexdo?.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.