Maxay Isku Hayaan Faysal & Wasiir Cabdillaahi Abokor?

0
Maxay Isku Hayaan Faysal & Wasiir Cabdillaahi Abokor?

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Eng Faysal Cali Waraabe iyo wasiir Cabdillaahi Abokor ayaa maalmihii u dambeeyay saxaafadda isku dhaafsanayay hadallo weerar iyo weerar celis ah.

Wasiir Cabdillaahi Abokor ayaa ugu horayn xukumadda si weyn uga difaacay eedaha Eng Faysal oo ku saabsan in aanay xukumadda Kulmiye ama wasaaraduhu lahayn qorshe waxqabad oo ay ku socdaan, waxaanu ku eedeeyay in uu 21 Sanadood xisbiga UCID galigii haystay haddana olole ugu jiro doorasho madaxweyne.

Eng Faysal oo eedahaasi ka jawaabaya ayaa sheegay in Wasiir Cabdillaahi Abokor sameeyay musuqmaasuq dhawr jeer fadeexad u soo jiiday xukumadda Biixi islamarkaana ay ahayd in uu dhuunto.

Wasiirka oo arrintaasi ka cadhaysan ayaa mar kale ku doodaya in uu maxkamad la tiigsanayo Eng Faysal Cali Waraabe.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.