Maxay Daaran Tahay Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Eriteria ee Somaliland.

0
Maxay Ereteriya Ka Tidhi Kulamadii Somaliland?

Maxay Daaran Tahay Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Eriteria ee Somaliland.Qaybtii 2aad.

Waraysi dheer oo aan ka akhriyay wargeysa afka ingiriisga ku soo baxa ee Chronicle, waxa uu sheegay wasiirkii arrimaha dibadda ee Somaliland ee waqtigaas (Dr sacad) in ugu danbaynta la qaadi doono afti laga qaadayo dadweynaha Somaliland; M/weynuhuna khudbaddiisii Borama wuu soo hadal qaaday aftida; haddaba su’aashu waxa weeye wadahadllada Somaliland iyo Somalia ma waxay ku danbayn doontaa aftidaas?!!, maxaase ka soo bixi haddii afti la qaado maanta oo aynu kala qaybsannahay; mise waa loogu talogalay sidaas, si ay u soo baxdo natiijada la rabaa; markaa miyaynaan odhan karin waxa jira barnaamij laga qarinayo dadka oo loogu dhammaynayo Somaliland; barnaamijkaas waxa bilaabay wasiirkii arrimaha dibadda ee hore Maxamed Cabdillahi, oo illaa immikana ku hawlan arrimaha gobolka; waa ninkii inoola yimid aynu la hadalno Somalia; Kulmiyena ku raacay; Illaa maalintaas Somaliland wuxuun baa ka sii dhacaayay!!!

Haddaba, arrinka labaad ee cinwaanka u noqon kara wafgigan Eriteria waa qodobka wadahadlada Somaliya iyo Somaliland. Tani waa midda kale ee ay ku tartamayaan labada xulafo; Geelaha Djibouti isagu wuxu rabaa in dawladdiisa looga danbeeyo arrinkaas; taasoo kooxda kale ee Eriteria ka mid tahay na aanay u ogolayn in doorkaas uu qaato Madaxweyne Geelle.

Dhinaca kale Madaxweyne Geelle wuxu u haystaa in aanay jirin cid ka mudan isaga inuu hawshaas horummuud ka noqdo, maadaama uu Somali yahay, mar labaadkana uu xidhiidh la leeyahay Somalia iyo Somaliland labadaba; dhinaca Somaliland xidhiidh dawladnimo ma jiro, laakiin wuxu xidhiidho la leeyahay ashkhaas innaga mid ah oo uu qabo in ay kaalintaas buuxin karaan!!!

Waxa intaa dheer, in waftiga Eriteria uu sahan u yahay barnaamijka iskaashiga dhaqaale ee gobolka (Regional Economic Integration); waxa barnaamijka aabo u ah Dr. Abbey, oo ah Raiisal wasaaraha Ethiopia. Waxa kale oo isaguna taageeray figraddan Farmaajaha Muqdisho; laakiin Djibouti waxay qawadsan tahay kaalinta laga siiyay figradda iskaagshiga dhaqaale ee gobolka; tan lafteedu waxay keentay in M/weyne Geelle uu dib u soo ceshado saaxiibtinimadii Farmaajo, oo markiiba hore lagala hoos baxay, halkaas oo uu booqday Muqdisho.

Madaxweyne Geele isagu wuxu u arkaa in haddii Muqdisho iyo Djibouti isku jeeni noqdaan in aan la loodin karin, lagana qaadi karin furaha gobolka haddii ay noqoto iskaashi dhaqaale iyo haddii ay noqoto wadahadallada Somalia iyo Somaliland; wuxu had iyo jeer is xigiisyaa dhinaca dawladda Xamar; dhinaca Somaliland wuxu u qabaa in aanay ka dheerayn ee ay gacantiisa ku jirto, maadaama uu xidhiidh dhaw la leeyahay ashkhaas uu isku halleeyo isagu; inkasta oo Somaliland ka mid noqotay xulafada ka soo horjeeda isaga intii dekadda Berbera lagu wareejiyay Dp world tii ay soo kala cadhoodeen.

Guud ahaan, farriinta waftigani u dirayo Muqdisho waa mid isku dhafan; dhinac marka la eego Farmaajo waxay ku qancinayaan waxanu ka hawgalnay wadahadalladii idinka iyo Somaliland oo aanu dhiraandhirinaynaa; taasi waa farrinta loo sheegayo; iyo farriinn aan loo sheegayn oo la doonayo in ay Muqdisho fahmto, taasoo ah hanaga dhawaysanina M/weyne Geelle, haddii aad doonaysaan in wax idiin socdaan!!

Dhinaca Somaliland, iyadoo aynu ogeyn in Somaliland ay gashay waji cusub tan iyo intii aynu wadahadallada la furnay Muqdhisho; waxa dhici karta in maadaama wasiirkii waqtigaas ee Maxamed Cabdillahi uu wali ka hawlgalo gobolka, in ay Somaliland hawshaas hore ugu sii socoto, taasoo laga yaabo in wufuud badan ka timaaddo caalamka, mar haddii la fududeeyay fiisihii caqabdda ku ahaa.

Cabdo; Dawlad wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga
Prof Cabdi Cali

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.