Maxamuud Xaashi Wuxuu Diiday Laba Ergo

0

Waa been Abuur wararka sheegaya in Amb. Baashe Cawil uu Waan-waan ka dhex Wado Siyaasi Maxamuud Xaashi iyo Madaxweyne Muuse Biixi,

Kulan Qado ahayd oo ay maanta iskugu yimaadeen badi xubnihii golaha Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo kedib, waxaa soo baxaya warar been abuur ah oo lagu faafinayo baraha bulshada isla markaana sheegaya in Baashe Cawil isku soo jiidayo Madaxweynaha iyo Maxamuud Xaashi.

Xog raadin badan oo aan sameeyay kedib waxa aan idiin xaqiijinayaa in aanay jirin wax waan-waan ah oo Siyaasi Maxamuud Xaashi kula jiro Madaxweynaha, maalmihii ugu danbeeyay Siyaasi Maxamuud wuxuu ka Cudur Daartay laba Ergo oo Miisaan Culus oo rabay in Maxamuud iyo Madaxweynaha isku soo dhaweeyaan wuxuuna ergooyinkaas uu u sheegay in keliya Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye wadahadal la geli karo hadii uu diyaar u yahay in uu fuliyo Balamihii uu hore u galay oo ay ugu muhiimsanayd in uu xisbiga iska wareejiyo, lkn hadii uu sii haysanayo aanu wax shaqo ah ku darsan doonin.

Sidaa darteed waa manjaro habaabin wararka la faafinayo ee ku saabsan in ay wada-hadlayaan Madaxweynaha iyo Maxmauud Xaashi, sida xogo aad loogu kalsoonyahay ii xaqiijinayaan Siyaasadda uu Maxamuud ku waajihi doono Shirka kulmiye waa mid ay ka madhantahay waanwaan iyo gelgelyo kuna qotonta keliya fulinta balamihii uu Madaxweynuhu hore ula galay Halyeyadii u horseeday in uu hanto Xilka maanta.

W/Q Suxufi Calimahdi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.