Maxamuud Xaashi Oo Ka Hadlay Kulanka Dhallinyarada

0

Maxamuud Xaashi Cabdi oo u ordaya guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa shalay la kulmay dhallinyarada degmada 26 June ee magaalada Hargeysa. Waxa uu sheegay in ay yihiin dhallinyaradii ugu firfircoonayd ololihii doorashada madaxweyne Biixi.

Qoraal uu soo saaray ayaa u dhignaa sidan:

Waxaan shalay galab kulan la qaatay qaybo ka mid ah, hawl-wadeenada iyo hal-doorka da’a yarta xisbiga kulmiye ee degmooyinka 26june iyo koodbuur. Waxaa hubaal ah in dhaliin yaradani ay ka mid ahaayeen, kuwii ugu firfircoonaa xilliyadii ololaha doorashooyinku delka ka dhacayeen.

Sidaa darteed, aqoon yahanadan iyo kuwa kale ee la mid ka ah ee ku kala sugan gobalada kala duwan ee Jamhuuriyada Somaliland, waxay mudan yihiin in loo mahad celiyo, iyo in la muuneeyo. Sidoo kale, waxay ka mudan yihiin qoorweynta iyo qamaamuurta xisbiga Kulmiye ee aan ka mid ka ahay, xishmad, xaqdhawr, xurmo, xaqsoor iyo xasuus joogto ah.

Guntii iyo gabagabadii waxaan leeyahay, maxaa ka run badan murtida tidhaahda “lama huraan waa caws jiilaal”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.