Maxamuud Xaashi Oo Ka Hadlay Berbera Corridor

0
Maxamuud Xaashi Oo Ka Hadlay Berbera Corridor

Maxamuud Xaashi Oo Ka Hadlay Berbera Corridor
Maxamuud Xaashi Cabdi wasiirkii madaxtooyada xukuumaddii Siilaanyo ayaa luuqad adag kula hadlay dad aanu xusin oo uu sheegay in ay ka soo horjeedeen qorshihii lagu hindisay mashaariicda Imaaraadka Carabta. qoraal kooban oo uu arrintan kaga hadlay ayaa u dhigan sidan:

Kuwii Odhan Jiray Waddo La Dhisayaa Ma Jirto Deked La Dhisayaana Ma jirto Tolow Maantana Maxay Odhan.

Taariikhdu qarin mayso masuuliyiinta nasiibka u helay inay fuliyaan mashruucan ee uu ugu horeeyo Madaxweyne Muuse Biixi iyo masuuliyiintii aan kamidka ahaa ee kala duwan ee nasiibka u helay hindisaha iyo hal-abuurka mashaariicda kor ku xusan,kuwaasi oo uu ugu mudan yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Kuwii ceebta ka dhigi jiray horumarka qaranka loo wado ama isku dayi jiray inay ciideeyaan ee halku dhigyadoodu ahaa deked la dhisayaa ma jirto,wado la idiin dhisayaa ma jirto iyo waxbaa la xaraashayaa, waxaan leeyahay Tolow maantana maxay odhan?.

Ma runta hortooda timi ayay riyo iyo dhaan-dabagaalayn ku sheegi doonaan mise cad-ceeda ayay doonayaan inay calaacalahooda ku qariyaan,mise waa yaabe dakedda iyo wadada dhismaheeda loo qalab qaatay ayay leefi doonaan..

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.