Maxamuud Xaashi Ma dhaqdhaaq Siyaasi Ayuu Bilaabay?

0
Maxamuud Xaashi Ma dhaqdhaaq Siyaasi Ayuu Bilaabay?

Maxamuud Xaashi Ma dhaqdhaaq Siyaasi Ayuu Bilaabay?
Maxamuud Xaashi Cabdi wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland ayaa dhaqdhaqaaq loo arko mid siyaasi ah ka bilaabay magaalooyin dhawr ah oo Somaliland ah kuwaas oo uu kulamo ku qabtay qaarkoodna laga arkayay isaga oo saxaafadda ka sheegaya waxqabadyadiisii xilligii Siilaanyo iyo baaqyo uu xukuumaddan ugu sheegayo in ay wax u qabato degaannadiisa.

Sida ay ku warramayso mareegta Somalilandrise.net waxa Mr Maxamuud magaalooyinka Berbera, Burco ilaa Caynabo kulamo kula qaatay madax dhaqameed iyo ganacsato beeshiisa ah oo uu ka codsanayo taageero siyaasadeed iyo maal uu ku hanto jagada guddoomiyaha xisbiga KULMIYE maaddaama shirweynaha golaha dhexe ee KULMIYE la qabanayo 23-ka bishan February.

Maxamuud Xaashi waa ninka kaliya ee loo arkayay in uu jagadan qaban doono laakiin, markii madaxweyne Biixi la wareegay talada ayay u muuqatay in hanka Xaashi god dheer ku dhacay lamana oga in hadda jagada guddoomiyaha wax la bedeli doono iyo in Madaxweyne Biixi ku sii fadhiyi doono maaddaama laga yaabo in uu mar labaad isu sharraxo madaxweyne.

Shirweynaha Kulmiye ee foodda inagu soo haya lagama dareemayo wax xaraarad iyo xafiiltan siyaasadeed ah sidii hore looga bartay waxaanay dadka qaar rumaysan yihiin in jagooyin bannaan sida guddoomiyaha golaha dhexe iyo ku xigeenno ku meel gaadh ah uun lagu buuxin doono.
Buurmadow Ma Sir Buu Ka Fashiliyay Madaxweyne Biixi?
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.