Maxamed Xaashi Oo Talooyin U Jeediyay Madaxweynaha La Doortay

0

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa markii u horaysay ka hadlay Madaxweynaha Cusub ee la doortay Muuse Biiix Cabdi,Waxaana uu ku tilmaamay nin adag oo go’aankiisu u gaar yahay oo aan loo talin karin, waxaa uu u soo jeediyay inuu ku daydo Hogaamiyayaal Islaam ah iyo kuwa kale oo dalalkooda wax ka badelay islamarkaana Barwaaqo iyo Magac u horseeday,waxa uu sidoo kale ka hadlay warar suuqa siyaasada la soo galiyay oo lagu sheegay inuu ka mid yahay xukuumadda Cusub ee la soo dhisayo,waxaana uu u sheegay inaanu waligii cid waxba waydiisan imikana uu da’ yahay oo aanay arintaasi qorshaha ugu jirin.

Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo Waraysi Khaas ah Hargeysa ku siiyay Wariye Badri Koosaar oo ka hawlgala Telefishanka ERYAL ayaa ugu horayn ka hadlay Xilka Wasiirnimada waxa uu yahay iyo faa’iido darada uu beelaha raadsanaya ku hayo,waxana uu yidhi “qabiil waliba waxa uu doonayaa in Wasiiro loo magacaabo,Waxa is weydiin mudan markaa,Wasiirku Muxuu reerka u taraa, Wasiirku waxa uu reerka u taraa majirto,waa kharash Umadda Xoolaheedii lagu boobayo uunbuu iska yahay,Todobaatan wasiir ayaa maanta shaqeeya,15-Wasiir oo qudha ayaa hawsheena ku filan,kolkaa waxa ku baxaa Waa kharash aan loo baahnayn,Kharash Fasahaad ah ayaynu kujirnaa oo Jaadkuna inoo weheliyo waliba, Wasiirna reerkooda waxba uma qaban karo,Reerku waxa uu u baahan yahay in Biyo la siiyo, Caafimaad lasiiyo,Wax loo qabto, horumar loo sameeyo,Taasaa dalku u baahan yahay oo Dadku u baahan yahay,Wasiirku muxuu taraa isaga uunbaa intaasi ku xaragooda,Jaadna meel la fadhiista,horta maxay qabteen ayaa ka soo horaysa,Nin aan waxbaba qaban maxaad ka soo celin,waa la wada eeday,Dad la mahadiyay maaha,iyaga iyo Baarlamanka,Guurtida,waxaba waa lawada eeday”.

Waxa kale oo uu ka hadlay Salaadiinta Beelaha Somaliland oo Hargeysa ku soo dhamaaday, islamarkaana reerahooda Mansabyo uga raadinaya Xukuumadda Cusub waxaana u yidhi“Salaadiintu waxay wasiiradda u doonayaan,waxa weeyaan Madaxweynaha noo gee, Madaxweynaha noogee uunbuu u qabtaa Wasiirkuye wax kale uma qabto,Salaadiintu reer ayay u boqran yihiine reerkooda wax u doonteen,Maxaa xoolaha qaranka dul dhigay,Muuse amaano ayuu hayaa,maanta waa amaano waxa uu hayaa,Amaano umaddeed ayuu hayaa,Amaanadaasi umaddeed waa inuu ka soo baxaa”.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay aqoonta uu u leeyahay Madaxweynaha Cusub Muj Muuse Biixi Cabdi,iyo inuu xil ka qabanayo Xukuumaddiisa“Muuse ismaanu arag,Waa nin adag,waa nin dhaqan Soomaali ah leh,waa nin ku adag noloshiisa,iyo nolosha Umadda,Nin maaha la jiid jiidayo,ama loo talinayo,talada Wanaagsan wuu qaadan,tii xunna wuu iskaga tagi,aniga xagayga markay noqoto,Anigu waligayba wax hala isiiyo ma odhan,Waligay intaan cid u tagay,Ma odhan waxaa iga dhig iyo waxaa iiqabo,imikana da’a ayaanba ahay,markaa uma baahniba arimhaasi”.

Ugu dambayn waxa uu Madaxweynaha Cusub u soo jeediyay inuu ku daydo Raysal wasaarihii hore ee Dalka Malesiya Mahathir oo baal dahab ah ka galay Taariikhda dalkiisa dhinaca waxa qabadka ,Madaxweynaha Dalka Turkiga,Rajib Deyib Erdogan oo dalkiisa meel sare gaadhsiiyay, iyo Madaxweynaha Dalka Ruwanda Paul Kagame oo Barwaaqo u horseeday Dalkiisa,waxana uu yidhi“Madaxda aan jeclahay inuu Muuse raaco oo uu ka mid noqdo waxaa ka mid ah Dalka Ruwanda ninka ka madaxda ah,dalkiisii waxa uu ka dhigay dal aad u wanaagsan ayuu ka dhigay,dhaqaalihiina sare ayuu u qaaday,Madaxweynaha Dalka Turkiga Erdogan ayaa ka mid ah,Isaguna dalkiisa sare ayuu u qaaday,Malesiya ayaa ka mid ah,Markaa Muusaw waxaa kuu Banaan inaad raggaasi raacdo oo aad la mid noqoto,oo aad magac yeelato oo aad dalkan magac u samayso,oo umaddan baahan aad baahida ka saarto”.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.