Maxamed Qabo Oo Olole Xoogan Ugu Jira Jagada Badhasaabka Togdheer Iyo Warar Sheegaaya In Loo Magacaabayo.

0

Hargaysa(Sayruuq) La-taliyaha Madaxweynaha ee doorashooyinka Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) ayaa ayaa olole xoogan ugu jiray maal mihii u danbeeyay in loo magacaabo Jagada Badhasaabka Gobolka Togdheer.

Xogo ku dhaw-dhaw ololaha Mudane Qabo ugu jiro jagadaas ayaa sheegaya in la filan karo inuu Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Silaanyo xilkaas u magacaabo. Ma jirto ilaa hadda wax xaqiijinaya wararkaas oo ka soo baxay dhinaca Madaxtooyada.

12324898_10153758060218535_606446903_n

Jagada Guddoomiyaha Gobolka Togdheer waxa hadda kusime u haya Guddoomiye ku-xigeenkii Gobolka, kadib markii Maxamed Muuse Diire oo aha Guddoomiyaha Togdheer loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Amniga Qaranka.

Gobolka Togdheer oo ay xaruntiisu tahay Caasimada labad ee Jamhuuriyadda Somaliland, (Burco) waxay halbowle u tahay isku xidhka dalka, haday tahay ammaanka iyo dhaqaalaha. Juquraafi ahan bogcada ay dhacdo ayaa ah mid isku xidha Gobolada Bari iyo kuwa Galbeed, dhinaca kale tariikhyadahanada  Somaliland  waxay ku tilmaansadaan Burco iyo guud ahaan Gobolka Togdheer halka laga eego xaraarada iyo duufaanada siyaasadeed ee waddanka, iyadoo dhammaan bar bilowgii xoriyad doonka Somaliland ay ka bilaabmeen Togdheer.

Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo ah shakhsi furfuran kana dhex muuqda Saxaafada gudaha, kuna fir fircoon hawlaha uu markaas ku jiro. Hadana dhinaca kale waxay dadka dhaliila ku sifeeyaan siyaasi aan negaasho lahayn, iyagoo u daliishada Xisbiyada uu soo maray ee uu isaga dabqaaday oo kala ah, UCID, XAQSOOR, iyo KULMIYE. Sidoo kale Mud. Qabo aanu xakamayn karin Xaamasadda uu markaas ku jiro, iyadoo losoo qaato rabshadihii ururkii XAQSOOR iyo abaabulki Xamasadeed

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.