Maxamed Kaahin Oo La Waydiiyay Awooddiisa

0
Maxamed Kaahin Oo La Waydiiyay Awooddiisa

Maxamed Kaahin Oo La Waydiiyay Awooddiisa

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed oo waraysi siinayay telefishanka Bulsho ayaa la waydiiyay waxa ka jira aragtida bulshadu qabto ee ah in uu ka awood weyn yahay wasiirrada kale.

Waxa uu ku dooday in uu la siman yahay wasiirrada laakiin, ay mucaaradku arrintaasi sooo maleegeen “Anigu waxaan ahay wasiir ka mid ah wasiirrada dawladda. Wasiirrada dawladdana mid walba wuxuu leeyahay masuuliyad dastuuri ah oo wasaaradeed oo xeer dhan oo wasiirrada ayaa jira, marka waa marmarsiiyo yar oo qolada mucaaradka ah iyo dad kale e anigu ma ihi mana noqonayo,” sidaas ayuu yidhi wasiir Maxamed Kaahin.

Wasiir Maxamed Kaahin oo sidoo kale ah ku xigeenka madaxweyne Biixi ee hoggaanka xisbiga Kulmiye, islamarkaana ay saaxiibtinimo dheeri ka dhexeyso ayay dad badan u arkaan wasiir awood badan.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.