Maxakamadda Gobolka Maroodijeex Oo Dawladda Hoose Ee Hargeysa Ka Xayirtay Lacag

0

Hargeysa(Sayruuq)- maxakamadda gobolka Maroodijeex, ayaa amar xayiraad ah ku soo rogtay xisaabta dawladda hoose ee Hargeysa uga furan bangiga dhexe, kadib markii muwaadin lacag ku leh muran soo kala dhex galay, waxaana la amray in lacagtaasi la xayiro.

Maxakamadda ayaa sheegaysa in dawladda hoose ka dhego adaygtay dacwado maxakamadeed sidaasi darteedna akoonkeeda bangiga dhexe la xayiray kadib markii muwaadin ku yeeshay lacag lix kun oo dollar ka badan, taasi oo dawladda hoose bixin wayday, balse ilaa hadda wax war ahi kama soo bixin dawladda hoose.

Halkan ka daawo amarka xayiraadda ah ee lacagta dawladda hoose

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.