Maxaa Sababay In Bulshada Somaliland si dhaw ula Socoto xaaladda Somalia

0

MAXAA SABABAY INAY DANEEYAAN OO SI DHOW BULSHADA SOMALILAND ULA SOCDAAN XAALADA SIYASADEED EE KOONFURTA?

W/Q Aaden-deeq

Beryahan Danbe Bulshada Somaliland Waxay Aad U Qaadaa Dhigaayeen Xaalada Siyaasadeed Ee Somalia-Muqdisho Ka Taagan Arintaas Oo Runtii Ugub Inaagu Ah In Sidaa Loogu Milmay Siyaasiyan, Oonan Odhan Karo Xisbiga Talada Dalka Haya Ayaa Sabab U Ah.
Arintani Oo Xukumadu Fursad Ka Dhigteen Si Dhaliisha Iyo Fashilka Siyaasadeed Ee Ku Geedaaman Indhaha Dadweynuhu Kaga Mashquulaan, Waa Xeelad Siyasadeed Oo Runtii Looga Baahan Yahay Xisbul Xaakimku Inuu Ciyaaro Siyaasadahan Oo Kale Marka Bulshada Uu Kala Kulmo ‘Pressure’ Badan Oo Aay Accountability & Transparency Mugle Ka Rabaan Dowladooda Iyagoo La Xisaabtamaya Oo Caqabado Badanoo Doorashooyin Taagan Yihiin, Isla Markaana Xukumada Madaxweyne Muse Biixi Musharixiin Badan Ka Xidhay Labada Xisbi Mucaarad Oo Tahli Waayay In Xuquuqdooda Sharci Ka Hadlaan.

Maxaa Sababay In Mar Qudha Bulshadu Aad U Danayso Xaaladaha Siyaasadeed Ee Koonfurta?

Fikriyan Waxaan Qaba Inay Tahay In Umadii Aragtidooda Laga Duway Siyasada Dalka Kadib Markay Xukumada Ku Adkaatay Isla Markaana Diiqad Geliyeen Dhawaaqyada Badan Ee Social Media Kaga imi.
Kuwaaso Noqday In Umadii Si wayn Ugasoo Burqadaan Su’aalo Badan Oo Aay Ku Dalbanayaan Cadaalad Iyo Wax Qabad Iyagoo Weliba Farta Toos Ugu Fiiqaya God Daloolada Xukumada Iyagoo Midaysan Oo Xoog U Baraarugsan Laakiin Aan Raali Gelin Xukumada Taaso Sababtay In La Duwo Aragtidooda Markay Xukumadu Ka Jawaabi Kari Wayday, Waana Xeelad Siyasadeed Oo Runtii Bisil Sababtoo Ah XaLado Siyasadeed Oo Murugsan Ayay Kaga Nasteen Kuwaaso Baryahan Danbe Aad U Kacsanaa Dhaliyayna Mudaharaado Laba Maalmood Oo Is Dabajooga Inay Ka Dhacaan Burco.

ADEN-DEEQ

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.