Maxaa laga baran karaa Doorashadii isku-sidkanayd ee ka dhacday Jamhuuriyadda la magac baxday Soomaaliland ?

0
Natiijadii Hordhaca ee Golaha Deeganka Baligubadle oo Lagu Dhawaaqay

Maxaa laga baran karaa Doorashadii isku-sidkanayd ee ka dhacday Jamhuuriyadda la magac baxday Soomaaliland ?

Jamhuuriyadda magaceeda Af-garashada Siyaasadu yahay Soomaaliland, waxaa dhulkaas qaybo ka mid ah ka dhacday doorasho reebtay baal cusub oo Dimuqraadi ah.
Bishii hore ee aynu soo dhaafnay waxaa guud ahaan ka dhacay Soomaaliland markay taariikhdu ahayd 31/May/2021 doorasho loogu wanqalay midii isku-sidkanayd.

Doorashadaas waxay ahayd tii Baarlamaanka iyo midii Dawladdaha hoose ee Jamhuuriyadda la magac baxday Soomaaliland, waxay noqotay fariin cad  ay u direen Ummadda Soomaaliyeed oo dhan iyo wadamada dhaca Geeska Afrika. Dadka falanqeeya doorashooyinka, Dimuqraadiyadda Afrika iyo ta guud ahaan adduunka isha ayey ku hayeen doorashadaas.

Sababtoo ah waa adkayd in dal dhaca Geeska afrika in uu qabsado hal mar labbo doorasho oo isku-sidkan. Waxaanu leenahay Hanbalyo.

Innigoo soo koobaya qoddo-baynayna wixii laga baran karo ee ahaa casharo wanaagsan iyo kuwa aan fiicnayn ba ee Doorashadii dhacday waxaan leeyahay soo dhawaada Jaalle-yaal.

Qoddobaddii dhanka wanaagsan ahaa waxaa ka mid ahaa.

B) Qarashkii maaliyadeed ee ku baxay Doorasha 75% in ay bixisay xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Taasi waa guul usoo hoyatay JSL.

T) In ay guuleysteen kacdoonkii dhalinyarada ahaa ee lagaga xorroobayey Qabyaalada loona digga rogtay QARANNIMO inna-wada deeqda.

J) Xukuumadda talada haysa in-aysan wax fara gelin ah ah ku samayn doorashadii, taasina waa horumar loo qaaday dhanka Dimuqraadiyadda dalka.

Qoddobadii dhibcaha madow ku ahaa Doorashadii waxaa ka mid ah.

B) Barta madow ee ugu weyn ee doorashadu lahayd waxay ahayd in dhammaan gabdhihii isku soo sharaxay aqalka Baarlamaanka JSL aysan hal qofna kasoo bixin, taasi waa ku ceeb Qarankan curdinka ah ee la kool-koolinayo. Sababtoo ah 82 xubnood oo Aqalka Baarlamaanka ah in-aysan hal HAWEEN ahna ku jirin waa ceeb weyn oo Dimuqraadiyaddeed.

T) In-aysan Baarlamaanka JSL hal xildhibaanna kasoo bixin beesha faca-weyn ee Warsangeli. Beeshaasu waxay degtaa Gobolka Sanaag Qaybta beri iyo Caasimmadda Ceerigaaba ba. Waxay ahayd fariin Siyaasadeed loo diray dadka degan deegaankaas iyo Gobolada Beriga oo dhan. Sida Sool, Sanaag beri iyo Buuhoodle ba. Sida ay iskugu-sidkan yihiin beesha dhexe ayey Harti Waqooyina isku-sidkan yahay.

Waxaan odhan karaa waxay ahayd Doorasho indhaha Caalamka oo dhan hayey, laakiin dhanka wanaagsan aaday marka xaqiiqda loo dhawaado.

FG: Dhulka Soomaaliland ee magaciisa Af-garashada Dawladdu yahay JSL waxaa isku hardiyey labbo kooxood oo kala ah. Koox dhanka Qabyaaladda ku caano maashay oo shiisha,karisana Qabyaaladda iyo koox dhalinyaro ah oo kacdoonkoodii u horeeyey kaga xorroobay Qabyaaladdii kuna guuleystay QARANNIMO waarta oo jiilkan cusub ay-sal-dhig u dhigeen.
Taas oo ah in aad qofka musharaxa ah ee Baarlamaanka amase Golaha deegaanka u sharaxan in aadan ku dooran Inaadeernimo,Saaxiibtibimo, Tolnimo iyo Qabyaalad.

Laakiin aad ku doorato sida uu kaaga gaddo Aragtidiisa usoo bandhigo, waxaa cadayn innoogu filan Musharaxii ugu codka badnaa Golayaashii Deegaanka ee soo-maray JSL ee noqday kii ugu codka badnaa markii danbana Mayor noqday waa walaalkeen Cabdikariin Axmed Mooge Liibaan.

Musharaxa kale Baarlamaanka maanta jooga iyo kii hore ba ugu codka badan JSL waa Barkhad Jaamac Batuun, labbadan musharax waxay dhiggeen rikoodh cusub oo aan weli ka dhicin JSL. Weliba Barkhad isagoo kasoo jeeda beelaha lahayb sooco ayuu haddana codkii uu ku soo baxay uu ahaa mid kar-kaarka waydaartay, oo ay kusoo bixi kari lahaayeen ku dhawaad Shan Musharax oo kale.

Alle mahadle.
W/Q: Muxammad Sugaal Baaruud.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.