Maxaa ka Soo Baxay Kulanka Dr Abiy, Shide & Cagjar

0
Maxaa ka Soo Baxay Kulanka Dr Abiy, Shide & Cagjar

Maxaa ka Soo Baxay Kulanka Dr Abiy, Shide & Cagjar
Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay guddoomiyaha xisbiga gobolka Soomaalida ahna wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide iyo madaxweynaha gobolka Soomaalida Mustafe Cagjar.

Labada masuul waxa soo kala dhexgalay khilaaf meel sare gaadhay waxaanay u muuqata in Dr Abiy u soo laqimay habka ay u wada shaqayn lahaayeen kadib markii khilaafkooda salkiisu noqday shirweynaha xisbiga ee dhawaan soo socda.

Warbaahinta Itoobiya ayaa ku warramaysa in wada hadalka saddex geesoodka ah ay xuddun u ahayd arrimaha horumarka iyo ammaanka gobolka Soomaalida, islamarkaana lagu soo gabogabeeyay tilmaamo ra’isal wasaaruhu siiyay oo ah xoojinta horumarka gobolka Soomaalida.

Wakaaladda wararka ee FANA oo warbaahinta dawladda Itoobiya ka mid ah ayaa xilka Mustafe Muxumed Cagjar ku sheegtay ku xigeenka maamulka gobolka Soomaalida taas oo u muuqata in talada gobolka masuulka ugu sareeya yahay Axmed Shide oo ah guddoomiyaha xisbiga talada gobolka haya.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.