Maxaa Ka Khaldan Siminaarka Boodhinka Ah Ee Loo Furay Golaha Wasiirrada Somaliland?

0

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xubnaha golaha wasiirrada u daah-furay kulan lagaga tashanayo qorsheyaasha ay xukumaddu ku hawlgeli doonto mustaqbalka soo socda oo ay gundhig u yihiin buug-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE iyo qorshaha horumarinta qaranka ee labaad (Somaliland National Plan II).

Kulankan ayaa Sabtidii ka furmay Hotel Royal Palace ee duleedka galbeedka caasimadda Hargeysa, waxaanay xogaha Sayruuqnews heshay sheegayaan in Golaha Wasiirradu halkaas degenaanayaan muddada tababarku u socdo oo ah 5 maalmood. Tababarkan habka boodhinka ah lagama helin xogo faahfaahsan oo ku saabsan maaddaama golaha wasiirradu yihiin kuwo dhaarsan si ay  dhawraan xogta xukumadda.

Golaha wasiirrada ayaa su’aalo badan la iska waydiiyay oo ku saabsan sababta keentay in golaha lagu tababaro arrimo ku saabsan dawladnimada taas oo dad badan ku doodayaan in ay khibrad la’aan tahay maaddaama aanay taariikh siyaasadeed lahayn badi golaha wasiirrada cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa si weyn loo dhalliilsan yahay cidda tababarkan siinaysa golaha wasiirrada oo ah hay’adda tababarka shaqaalaha dawladda kuwaas oo loo arko in aanay ku haboonayn tababaridda wasiirrada la rabo in ay qaranka shookaanta u hayaan.

Wasiirkii hore ee biyaha xukumadda Siilaanyo Xuseen Cabdi Boos ayaa shalay si kaftan ah u duray golaha wasiirrada oo uu sheegay in ay tababarka u dhigaan golihii wasiirrada ee hore “Xukumadda iyo wasiirrada cusub ee la leeyahay xogaa maanta Siminaar baa loo furayba waxay ahayd iyaga laftooda Warancadde iyo loo diro oo khibraddii laga faa’iidaysto Siminaarka yar xogaa way u baahnayeene,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Boos.

Guddoomiyihii hore ee hay’adda shaqaalaha Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Jaamac(Cadami) ayaa isna sheegay in ay fiican tahay in tababar  la siiyo golaha wasiirrada cusub laakiin, aanay hay’adda shaqaaluhu ahayn ciddii siin lahayd “Inamada Machadka tababarka shaqaalaha jooga ee dhalinyarada ah ee shaqaalaha tababara waan wada aqaana. Waa inamo dhalinyaro ah, faham fiican leh, aqoon fiican leh, kuna fiican hawsha ay Qaranka u hayaan ee ah tababarida shaqaalaha dawladda. Gole wasiirro oo inta badani ka da’a wayn yihiin oo inta badani ka aqoon badan yihiin oo inta badani ka waayo aragsan yihiin gees kastaba marka laga eego cidda siinaysa Siminaarkan oo kale oo loo baahna waa in ay noqdaan aaggaga Koorasyada la siinayo dad takhasus gaar ah u leh. Maamul wanaagga ka mid ah, hab maamuuska(Procotol) ka mid ah, wada shaqaynta ka mid ah, aag walba waxa jira dad takhasus u leh,” Sidaas ayuu yidhi Mr Cadami.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay golaha wasiirrada u jeediyay khudbad bulshada soo jiidatay laakiin, waxa 100 ama 120-ka maalmood ee u horeeya xukumadda cusub la eegi doona halka ay ula dhaqaaqdo majaraha dalka iyada oo la saadaalinayo in ay mucaaradad adag wajahayaan Madaxweyne Muuse iyo golihiisa wasiirrada ee waayo aragnimo la’aanta lagu xanto.

Sayruuqnews/ Faallo

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.